Madaxweyne Siilaanyo oo Mudeeyay Xiliga ay Bilaabmayso Hawsha Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha
Hargaysa 12.April 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-3164/042015 ku go’aamiyey in Diiwaangelinta Cod-bixiyayaashu ka bilaabanto Gobollada Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 18aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007;
Markuu Arkay: Soo jeedinta Guddida Doorashooyinka Qaranka ee summadeedu tahay KDQ/XK/405/2015, ee ku taariikhaysan 09/04/2015 iyo Lifaaqa la socda ee ay ku caddahay Muddada Diyaarinta Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha iyo Muddada Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha;
Markuu Tixgeliyay: Ahmiyadda Diiwaangelinta Cod-bixiyayaashu u leedahay in la qabto Doorasho xor ah oo xalaal ah;
Wuxuu Soo Saaray;
Xeerkan oo lagu go’aamiyey in Diiwaangelinta Cod-bixiyayaashu ka bilaabanto Gobollada Dalka Jamhuuriyadda Somaliland taariikhdu marka ay tahay 21/07/2015.
ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir
Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL
—