|

Madaxweyne Siilaanyo Oo Masuul Cusub u Magacaabay Wakaallada Qurbejoogta Oo Muddo Badan Aan Hoggaan Lahayn

Hargeysa:April,15,2015(SDN/QJ)-Dekreeto Cusub, ayuu Madaxweyne Siilaanyo xalay  ku magacaabay Guddoomiyaha Wakaalladda Qurbejoogga oo muddooyinkan dambe aan Hoggaan lahayn.

sdaWareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxtooyada, ayaa  Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbejoogga loogu magacaabay inuu noqdo Cabdi Cabdilaahi Xirsi oo Madaxweynuhu sheegay inuu leeyahay kartidii iyo xil-gudashadii iyo Aqoontii uu ku qaban lahaa xilkaas.

WAKAALADDA QURBAHAWarsaxaafadeedka, ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo

waxa uu digreeto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-3183/042015 uu ku magacaabay Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:      Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:Ahmiyadda Wakaaladda Qurbjoogga Qaranku u leedahay Dalka iyo dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:      In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday:Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu ku Qancay:In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cabdi Cabdilaahi Xirsi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland. Xafiiskaa oo hoos imanaaya maamulka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.”

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed