|

Madaxweyne Siilaanyo oo Markii u Horaysay Mudadii uu Xilka Hayay Kormeer ku Soo Maray Goobaha Garsoorka ee Caasimadda SAWIRO

Hargaysa 13.Dec 2015 (SDN/QJ):- Kormeerkan Madaxweynuhu ku tegay Maxkamada sare, Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex, Maxkamada Degmada, Xeer ilaalinta Guud iyo Wasaaradda Cadaalada iyo Garsoorka ayey ujeedadiisu la xidhiidhay ka midho dhalinta iyo dhiirigelinta in dalku noqdo mid u hogaansan laguna hago cadaalada, iyadoo mudooyinkii u danbeeyey shacbigu u dhegtaagayeen dedaalka uu waddo gudoomiyaha Maxkadamda Sare Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, oo intii madaxweynuhu magacaabay ku talaabsaday horumar weyn ummadduna mahadisay.

Kormeerka madaxweynaha waxa warbixin dheer ka siiyey gudomiyey, Gudoomiyaha Maxkamda Sare oo yidhi:-

“ Madaxweyne waxaa sharaf noo ah inaad maanta annagoo bahdii Cadaalada ah oo midaysan waayo sidaad aragto wasiirkii cadaaladu waa kaa ku baal fadhiya, xeer ilaaliyaha guud ee qarankuna waa kaa inaad maanta soo booqato bahdii cadaaalada iyo garsoorka oo ay tahay markii ugu horaysay ee Madaxweyne kursiga ku fadhiyaa uu kormeer shaqo ama lugtiisa ku soo marayo garsoorka iyo cadaalada guud ahaan.

markaa taasina waxay tusaysaa niyad wanaaga iyo wax la qabashada cadaalada markaa taa aad baan madaxweyne kaaga mahad naqaynaa, waxay ku tusaysaa inaad barbar taagan tahay dib u habaynta cadaalada ee socota iyo talaabooyinkii aynu qaadnay haday Maxkamda sare tahay, haday maxkamadaha hoose tahay iyo haday guddiga cadaalada tahayba. markaa taa xoogbaan kuugu soo dhawaynaynaa kaaga mahad naqaynaa meeshana kolay adiga laguu sheegi maayoo  berigii aad xubinta baarlamaanka ahayd hoolkaad fadhiisan jirtay waa halkan oo imikaan sii mari doonaa meel kugu cusub maaha, Laakiin dib u habayn weyn oo cadaaladeed baanu wadnaa anagoo bahdayadii oo dhana, waxaa ugu danbeeyey waxaan bishii dhawayd ee 11-aad booqanay goboalda galbeedka oo dhan, waxaanu soo marnay Maxkamadihii, Xabsiyadii iyo meelkasta oo ay cadaaladu shaqo ku leedahay waanu dardar gelinay qof waloo maxbuusa oo xidhan waanu is dul taagnay waxaanu waydiinay sababtuu u xidhan yahay si layaable bay noogu soo dhaweeyeen, waxaanu aragnay shaqo fiican oo xaga cadaalada ah haday tahay Booliiska haday tahay Asluubta iyo haday tahay garsoorka iyo xeer ilaalinta iyo wasaarada cadaalada iyaduna qeybtii fulintii iyo maamulkii  ka tirsan,

markaa imikana waxaa noo qorshaysan wiigan aakhirkiisa waxaan u baxaynaa gobolada bari si aan iyagana usoo kormeerno  markaa (Reform) ku dhinacyo badan buu leeyahoo midi waa dib u habayntii (Institutions) midana waxaa weeyaan adeegii cadaalada oo la balaadhiyo oo dadweynaha la gaadhsiiyo midani waxaa weeye in la xoojiyo inay cadaaladu isla xisaabtamaan oo qofka shaqadiisa lagu daba galo oo inuu dadka u shaqaynaayo la ogaado oo uu adeeguu dadka u hayo dadkii dhibanaa ee masaakiinta ahaa inay gaadhay iyo in kale la ogaado, markaas taas buu xooga saaarayaa adigana garab istaaga aad na garab taagan tahay runtii waan kaaga mahad naqaynaa meeshuna waa (Sector) mudo dheer la illaabay mudo dheer aan dhaqaale badan la gelin adiguna waadigaa sida sharafta leh u iclaamiyey inaad kursigii uga degayso inaad sanadkaa iyo dheeraadkaa kuu hadhay aad Resource-gaa dawlada qeybo badan halkan usoo leexiso waayo waa Sector-ka ugu muhiimsan nabada iyo amaanka iyo kala danbaynta iyo dawladnimada intuba halkan bay taalaa halkan baa ka masuula, markaa sida wacan ee sharafta leh ee adiga iyo golahaaga iyo madaxda kale ee kula talisa waanu kuu mahad naqaynaa”

 

Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Axmed Faarax Cadare oo isna halkaa ka hadlay ayay hadaladiisa ka mid ahaayeen:-

“Mudane Madaxweyne kusoo dhawoow bahda cadaalada oo dhadhaaradeedii maanta halkan ku dhanyihiin sharaf gaara bay noo tahay inaad nasoo booqatay taariikhduna way ku xusi doontaa waa markii ugu horaysay ee ay suurta gasho in Madaxweyne xil hayaa uu soo booqdo waxay ka turjumaysaa markii ugu horaysay eed xilka qabatay waxa ugu horeeyey eed bilowday wuxuu ahaa cadaaalada in dib u habayn lagu sameeyo tiibaa maanta noo ah sharaf inaad goobjoog u ahaato oo kormeer ku soo marto oo aad hubiso halka ay marayso, waxaa kale oo madaxweyne noo suurta galay saddexda dhadhaar ee cadaaladu hogaaminaysaa in aanu israacnay taariikhda hore umay dhicin, runtii waxaanu iska dhignay  Arrimaha shakhsiyada ee noo yaalay danta qaranka in loo midoobaa iyadoo hay”ad kastaa shaqadeeda u madax banaan tahay”.

 

Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Mudane Xasan Axmed Aadan waxaanu ku bilaabay“ mudane Madaxweyne mudadii anigu shanta sano ahayd ee halkan aan joogay, waxaan ugu imid markii hore xafiiskan xeer ilaalinta oo aad u kooban oo ay joogaan sagaal ku xigeen iyo xeer ilaaliye guud, maanta waxaa jooga afartan ku xigeen xeer ilaaliye guud oo gudida cadaaladu ansixisay oo ka shaqeeya gobolada iyo meel walba oo xafiiska xeer ilaalintu ka dhisan yahay, ilaa labaatan (baarsikuutar) baa ku jira, gabdhaha  aanu qaadanay waa hawl aad u balaadhan oo garsoorkana aad loogu  amaanay,UN-ka aad inoogu amaaneen meelwalbana shirarka caalamigaa  aad looga muujiyo, inay jiraan gabdho soo galay garsoorka gaar ahaan xafiiska xeer ilaalinta guud ee qaranka labiyo toban gabdhood ayaa  jooga, labiyo taban ku xegeenaa iyo shan (beersikuutarisa) shaqaalaha maanta jooga xafiiska xeer ilaalinta guud waa ilaa iyo lixdan iyo shan, hay’adaha fangareeya ee wax nala qabta runtii waa haayadaha UNDP,UNODC,HORISAN  INSTITUTION institutions badanbaa nala shaqeeya tababrada ay nasiiyeen waxa ka mida ANTI TORARISM,PIRASY,ORGANISED CRIMEKA sidii loola tacaali lahaa danbiyadaasi culus iyo hawlahaasi, tacadiyada loo gaysto dumarka gaar ahaan kufsiga GPV-ga ay u yaqaanaan ee ka dhanka ah haweenka, waxaanu samayney qaabdhismeedka xafiiska xeer ilaalinta guud waanu badalney, xafiiskaasi waxaanu ku darnay waaxda maamulka,waaxda ciqaabaadka iyo waaxda qorshaynta iyo adeega sharci, shirkadaha iyo waxa ay diwaan galiso iyo GPV danbiyada caruurta iyo tacadiyada haweenka loo gaysto,

gobolada waxaanu samayney qaab dhismeed noocaas oo kale ah oo aanu xafiiskayaga ku dabaqnay madaxweyne, tababarada ay qaateen waxa weeyi tababarada ANTI TORRARISMKAA ugu wayn  meelaha ay tababarada ku qaateen oo imika waxaa nala shaqeeya safaarada Ingiriiska ee Addis-Ababa oo halkan tababaro fiican ka fulisa,ACSIYON qolo loo yaqaan oo SVU-gu ay siisay contract oo iyaguna ingiriiska ah oo tababaro fiican Addis-Ababa ku qabata halkan ku qabata,

waxay soo saareen rag runtii aad iyo aad loogu tababaray cadaymaha oo halkan xafiiska xeer ilaalinta ah oo maanta aad iyo aad u shaqeeya,waxaan filayaa in saaxiibkay gudoomiyaha maxkamada sare aadan xaaji cali ay qorshihiisa ku jirto inay isla jaan qadaan xeer ilaalintii iyo garsoorayaashii oo tababaro aad u fiican imikana iyaga loo bilaabay, tababaradaasi faraha badan waxa ay ku qaateen Addis-Ababa, dubia, cesials,Tansania, Jabuuti, meelahaas oo dhan oo paresis-ga barigii ama imikaba ay sii socdaanba, xeer ilaalintu tababaro aad u fiicanbay ku soo qaateen, qaarkood kuwii jabuuti aad loogu amaanay, madaxweyne waxaanu aad kaaga mahad celinaynaa gudoomiyuhuna isagoo nala mida mushaharada imika loo kordhiyey garsoorkii oo sanadkan 2016ka bilaabmaysa oo ah xaga gunada, maxakamadaha iyo xafiiska xeer ilaalintuba aad baanu kaaga mahad naqaynaa, laakiinse wali waxaa qabyo ah dhismayaasha, ha noqoto gobolada oo maxkamadaha iyo xafiiska xeer ilaalinta, mudane madaxweyne waxa mudadii aan joogay hay’ada UNPP waxay nala dhistay Burco,Boorame iyo Hargaysa, sadexdaba waxa ay ka dhistay xafiiskaygaas oo kale, qalabaynta u taala intaa xafiiskayga taal oo kale ayey ka dhigeen,laakinse waxaanu wali saluugaynaa oo sugaynaa sanadkan hadii alle yidhaahdo inay nala dhisaan Berbera iyo Gabiley,oo iyagana qorshahooda ugu jirta, mahad celintaasi ayaanu madaxweyne kuu soo jeedinaynaa, maanta garsoorkii dalku halka uu taagan yahay hadii aad xilka ka tagto legacy fiican ayaa meeshii muuqda waxaa muuqda dad dhalinyara ah oo howshaa u dalban, qaarkood sigaar ma cabaan qaad ma cunaan waa dhalinyaradii Jaamacadaha dalka ka soo baxday, tababar fiicanbay qabaan, Job training fiicana waanu siinaa, markaa madaxweyne waxaanu filaynaa in garsoorkii dalku maanta marayo meel lagu yadidiisho”

 

Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu kormeeray oo Maxkamada Gobolka iyo ta degmada iyadoo ay xusid mudan tahay in uu madaxweynuhu ku soo beegmay wakhti uu gudoomiyaha Degmadu barxada hore ee xafiiskiisa dadkii ugu shaqaynaayey iyadoo dib u dhis iyo balaadhini ka socoto gudaha maxkamada degmada.

 

Ugu danbayn waxa halkaasi ka hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo “Bismilaahii raxmaani raxiim aad iyo aad baan runtii idiinku mahadinayaa si wacan baan u dhagaystay baahiyihiina iyo hawsha aad qaranka u haysaan waan idinku bogaadinayaa aad baanan idinku mahad naqayaa hawsha aad qaranka u haysaan ee fiican ee qiimaha iyo qaayahaba leh

“Aniga Farxad weyn bay ii tahay maanta inaan halkan bahda cadaalada kusoo siyaarano oo aanu ka dhegaysano xogwaran buuxa aad iyo aad baad ugu mahadsan tihiin hawl aad iyo aad u weyn baad qaranka u haysaan ninbaa wuxuu yidhi ragg cadaalad wayey sidii cawsha kala yaacye, cadaaladu waa muhiim waa hawsha qaranku ku socdo ummaddu ku socoto dadkuna ku fadhiyo ilaahay waxaan ka baryayaa inuu hawshaa idinla qabto dadka iyo qaranka hawsha aad u haysaana waan idiinka mahad celinaynaa aad iyo aad baan idiinku mahadinayaa”. hawsha halkii ka sii wada, baahiyaha aad sheegateen iyo wixii nalooga baahan yahay dhinacayagana waajib iyo xil nasaaran weeyi inaanu waajibkayaga ka gudano.

DSC_0001 DSC_0002 DSC_0003 DSC_0005 DSC_0017 DSC_0020 DSC_0023 DSC_0024 DSC_0047 DSC_0052 DSC_0067 DSC_0071 DSC_0082 DSC_0110 DSC_0114 DSC_0126 DSC_0136 DSC_0139 DSC_0151 DSC_0166 DSC_0174 DSC_0197 DSC_0211 DSC_000212 DSC_0214 DSC_0220 DSC_0238 DSC_0255 DSC_0264 DSC_0288 DSC_0294 DSC_0295 DSC_0299 DSC_0307 DSC_0328 DSC_0336 DSC_0366 DSC_0369 DSC_0371 DSC_0392 DSC_0401 DSC_0411 DSC_000414 DSC_0417 DSC_0423 DSC_0429 DSC_0445 DSC_0446 DSC_0452 DSC_0461 DSC_0465 DSC_0470 DSC_0479 DSC_0483 DSC_000674 IMG_0003 IMG_0005 IMG_6100 IMG_6103 IMG_6121 IMG_6128 IMG_6131 IMG_6142 IMG_6153 IMG_6169 IMG_6172 IMG_6180 IMG_6184 IMG_6208 IMG_6214 IMG_6230 IMG_6234 IMG_6247 IMG_6275 IMG_6295 IMG_6297 IMG_6300 IMG_6302 IMG_6338 IMG_6340 IMG_6383 IMG_6395 IMG_6404 IMG_6409 IMG_6415 IMG_6446 IMG_6461 IMG_6479 IMG_6483 IMG_6484 IMG_6489 IMG_6501 IMG_6505 IMG_6506 IMG_6508 IMG_6510 IMG_6528 IMG_6533 IMG_6538 IMG_6546 Madaxweynaha iyo Nuxurka Kormeer taariikh ah oo uu ku tegay Maxkamadaha

Comments are closed