|

Madaxweyne Siilaanyo Oo Markale Ka Hadlay Mawqifka Xukuumaddiisa ee Ku Aaddan Shirka Brussels loogu qabanayo Soomaalida

siilaayoooHargeysa: 13Aug-2013 (SDN)Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo ayaa markale ka hadlay Mawqifka Xukuumaddiisa eek u Aaddan shirka   New Deal ee Brussels uga Furmaya Soomaalida 16 Bisha September ee Soo socota.

Madaxwayne Silaanyo, ayaa sheegay inay Xukuumaddiisa ka Go’an tahay inaanay ka qaybgelin shirkaas uu Midowga Yurub dabada ka riixayo.

Madaxweynaha ayaa sidaas ku caddeeyey qoraal kooban oo  uu soo dhigay Barta uu ku leeyahay Twitterka, isagoo  sheegay in Mudaanta Koowaad ee Somaliland tahay Qaranimadeeda. “Somaliland kama qayb galayso Shirka Brussels, Sababtoo ah waxaanu Rumaysanahay in Ahmiyadda Koowaad tahay Jiritaanka Dalnimada Somaliland” ayuu yidhi Madaxwayne Silaanyo.

 

Shirka Brussels uga furmaya Somaliya ayaa ah mid dhaqaale loogu Ururinayo Soomaalida, iyadoo Midowga yurub  oo shirkan gadh-wadeen ka ahina Somaliland ku cadaadiyey inay qayb ka ahaato.

Waa markii labaad ee uu madaxweyne siilaanyo ka hadlo shirkaas iyo mawqifka xukuumaddiisa uga meel yaalla, isagoo hor warsaxaafadeed uu soo saaray ugu sheegay inay ka Go’an tahay xukuumaddiisa inaanay qayb ka noqonin shirkaas bisha dambe  ka dhacay caasimadda dalka Beljium ee Brussels.

 

Axmed Cumar Axmed (Timo)

Mawliidguure@yahoo.com

Somalidiasporanews.com

Hargeysa/Somaliland.

 

 

Comments are closed