Madaxweyne Siilaanyo oo Magacaabay Gudida Siyaasadda Dib-u-habaynta Dhulka Oo 12 Wasiir Ka Kooban
Hargeysa,21Aug,2015(QJ/SDN)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa magacaabay gudida dib u habaynta siyaasada dhulka oo ka kooban 12, waxaanu ka codsaday in ay gudidani soo saaraan siyaasad dhulka dib loogu hago, waxaana warsaxaafadeedkaas oo dhamaystiran uu u dhignaa sidan
WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu JSL/M/MG/081/1-3495/082015 ku magacaabay guddida Hawlsha Diyaarinta Siyaasadda Dib-u-habaynta Dhulka oo ka kooban 12 wasiir.
Digreetada madaxweynaha:-
Ujeeddo: Magacaabid Guddi
Ku: Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reermiyiga
Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Ku: Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta
Ku: Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka
Ku: Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha
Ku: Wasiirka Wasaaradda Beeraha
Ku: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
Ku: Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta
Ku: Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada
Ku: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta
Ku: Wasiirka Wasaaradda Biyaha
Ku: Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka
Mudanayaal,
Sida aad la socotaan, ee uu dhigayo Qodobka 12aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, dhulku waa hanti guud oo ka dhexeeya ummadda, mas’uuliyadiisana dawladda ayaa xil ka saaran yahay.
Haddaba, waxa muuqata in dhulkii Jamhuuriyadda Somaliland si sharciga baalmarsan loogu tagrifalayo. Sidaas darteed, waxaan idiin magacaabay Guddida Diyaarinta Qabyo-qoraalka Siyaasadda Dib-u-habaynta Dhulka Somaliland.
Waxaan idinka rajaynayaa inaad xil mug iyo miisaan leh iska saari doontaan Hawlsha Diyaarinta Siyaasadda Dib-u-habaynta Dhulka.
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Dhuxul
Afhayeenka Madaxtooyada JSL