|

Madaxweyne Siilaanyo oo Magacaabay Gudi ka hawl galaysa qaban qaabada Xuska 18 May,Xili Abaar baahsani dalka ka Jiraan

Hargaysa 20.Feb 2016 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summaddeedu tahay JSL/M/MG/241-3850/022016 ku Magacaabay guddi qaran oo u xilsaaran qabanqaabada Xuska Sannad Guurada 25aad ee ka soo wareegtay Maalinta Qarannimada Somaliland.

 

siilaanyoDireetada Madaxweynuhu ku magacaabay Guddida heer qaran waxay u dhignayd sidan:-

 

 

Ujeeddo:       Magacaabid Guddida Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska 18 May.

 

Mudaneyaal iyo Marwooyin,

 

Sida aad la socotaan waxa foodda inagu soo haya haddii Eebe idmo Xuska Sannad Guuradda 25aad ee Maalinta Qarannimada Somaliland ee 18 May, taas oo loo baahan-yahay in sannadkan loo xuso si weyn, isla markaana Bulshada Somaliland dareenka qarannimadooda u soo bandhigaan Beesha Caalamka, meel kasta oo ay dunida dacalladeeda ka joogaan.

 

Sidaas darteed, waxaan mas’uuliyiinta qoraalkani sida tooska ah ugu socdo u magacaabay Guddida heer Qaran ee Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska Sannad-guuradda 25aad ee Maalinta Qarannimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May.

 

Haddaba, waxaan Guddida Qaban-qaabadda ka rajaynayaa inay xil qarannimo iska saari doonnaan Xuska Maalinta 18 May oo mudan qadarin gaar ah. Sidoo kale, Maamullada Gobollada iyo Degmooyinka waxaan farayaa inay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan.

Xubnaha Guddida Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska 18 May.

 

  1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha                          Guddoomiye
  2. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda                              Guddoomiye Ku-xigeen
  3. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga                                                 Xubin
  4. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka             Xubin
  5. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta                             Xubin
  6. Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Madaxtooyada                       Xubin
  7. Maayarka Caasimadda Hargeysa                                              Xubin
  8. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Haweenka             Xubin
  9. Md, Sharmarke Axmed Muxumed (Xoghayaha Golaha Wasiirrada)        Xoghaye
  10. Mudane, Caydaruus Mahdi Xaashi (Habmaamuus Ku-xigeenka Madaxtooyada)Xubin
  11. Mudane, Mustafe Sacad Dhimbiil (SONSAF)                                    Xubin
    12.       Mudane, Maxamed Axmed Maxamuud (SONSAF)                                                            Xubin
  12. Marwo, Nafisa Yuusuf Aw Muxumed (NEGAAD)                            Xubin
  13. Mudane, Siyaad Cumar Cali (SONYO)                                              Xubin

 

ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

         Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.             

Comments are closed