Madaxweyne Siilaanyo oo la Ogaaday sababtii uu Booqashada Kediska ah ugu tegey Garoonka Diyaaraha Hargeysa
Hargeysa: 7-Aug-2013(SDN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maalintii Salaasadii Booqasho kedis ah ku tegay Gegida Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa, ayaa haatan si cad loo daliishaday sababta ka dambayay booqashadiisaas.
Madaxweynaha oo caan ku ah booqashada iyo indho-indhaynta goobaha horumarintu ka socoto ee Dalka, ayaa ay Booqashadiisani ka duwanayd kuwii uu hore ugu tegi jirey Goobaha uu gaadho.
Safarkan Gaaban ee uu madaxweynuhu ku tegay Garoonka Diyaaraha ee Magaalada Hargeysa, ayaa la sheegay inay ku wehelinayeen Marwadiisa koowaad Aamina Sheekh Maxamed Jire iyo Wasiirkiisa waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan, waxana uu ahaa mid kedis ah oo uu ugu talo galay inuu iskaga Hubiyo amaba uu indhahiisa ku soo Arko bal waxa jira wararka sida weyn loo Buun-buuniyey ee uu wasiirkiisa Duulisku ku dhego-barjeeyey.
Garoonka Diyaaradaha ee Caasimadda Hargeysa oo muddo ka badan Laba sano u xannibnaa hawlo dibu habayn ah oo ka socday, islamarkaana hawshiisa loo qoondeeyey lacag aadu u badan oo Dawladda Kuweyt ay bixisay, ayaa sida ku talo galku yahay lagu wadaa inuu Madaxweynuhu maalinta Ciidda xadhiga ka jaro.
Sidoo kale Hadal-haynta garoonka ayaa ka badatay dhegaha madaxweynaha, iyadoo dadka siyaasadiisa dhaliilaana si cad u sheegaan inaanay is lahayn lacagtii garoonka loo qoondeeyey iyo shaqada laga qabtay, waxana tilmaamaan inuu wasiirka Duulistu ku takri falay lacagtii loogu talo galay dubu dhiska garoonka oo shaqadiisa u badiyey dhoob-dhoobid oo macno badan ugu fadhiyin garoonka Hargeysa oo ah goob hal-bawle u ah dalka.
Wararka Hoose ee laga helayo Booqashadan Gaaban ee Madaxweynaha, ayaa tilmaamaya inuu madaxweynuhu Aamini waayey wararka uu wasiirkiisa Duulistu ka keenayo Garoonka oo uu isagu ku qancay inuu indhihiisa ku soo arko bal waxa ka jira warka wasiirka si aanu hadal uga iman ka dib marka uu xadhiga ka jaro maalinta ciidda.
Arrinta kale ee Tooshka ku shidday shakiga uu madaxweynuhu ka qabo wasiir Maxamuud Xaashi, ayaa ah inaanu wasiirku jooginba garoonka xilligii uu madaxweynuhu Booqashada ku imanayey Garoonka, taas oo daliil u ah inuu madaxweyne Siilaanyo u soo xadhko xidhay ka gun-gaadhida waxa uu wasiirku u sheegayo iyo waliba inuu hubiyo bal waxa ka run ah Dhaliisha mucaaradku u jeediyaan shaqada ka socota Garoonka oo Haatan Gebogebo ah.
Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada Somaliland, ayaa la sheegay inuu arrintaa aad uga xumaaday markii uu ka war helay, waxana uu haatan ka warwar sanyahay kalsoonidii u dhexaysay isaga()wasiirka duulista) iyo madaxweynaha oo uu arko mid ay mucaaradkiisu si xun u dhaawaceen.
Madaxweyne Siilaanyo oo sidoo kale lagu talo jiro inuu maalinta ciidda ciidamada kala duwan ee Somaliland ku taxo derajooyinkii oo Toddobaadkan ku soo saaray Digreetada, ayaa sidoo kale ku talo jira inuu Garoonka diyaaraha ee Cigaal International Airport-na xadhiga ka jaro inkastoo aan la hubin sida uu ilaa iyo Hadda madaxweyne Siilaanyo ugu qancay shaqada uu mudda labada sano ka badan wasiir Maxamuud Xaashi ka qabtay Garoonkaas.
Somalidiasporanews.com
Axmed Cumar Axmed (timo)
Hargeysa/Somaliland.