Madaxweyne Siilaanyo Oo La Filayo Inuu Seefta La Dhex-qaado Gollahiisa Wasiiradda
Hargeysa,20Aug,20159(QJ/SDN)-Siday sheegayaan tibaaxyo lagu kalsoon yahay oo kasoo baxa Qasriga Dalka looga taliyo,ayaa sheegaya inay suur-gal tahay in Madaxweyne Siilaanyo uu Tobaadyadda soo socda uu sameeyo isku-shaandhayn Sal-balaadhan,isla markaasna saamayn doonta Wasiiro saamayn togan ku leh Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay.
Siday Ilo-wareedyaddaasi tilmaamayaan waxay sidoo kale isku-shaandhayntani saamayn doontaa Agaasimaasha guud iyo Gudoomiya-yaasha Haaya’daha Madaxa banana,waxaana la filayaa inay Xukuumadda soo galaan Wajiyo-cusub oo Saaxadda Xukuumadda kusoo biira.Dadkan soo gali doono Xukumadda xiliga cusub ee uu Madaxweynuhu ku fadhiyo Muddo-kordhintii ay Gollaha guurtidu u sameeyeen,isla markaas-na ay Maxkamadda sare u xalaalaysay,ayaa la sheegayaa inay ka mid noqon doonaan KULMIYE-yahano lagu ilaabay Suuqa oo si weyn uga ula soo kifaaxay Odayga Xiligii uu u cararayay Kursiga Madaxweyne-nimo ee uu hadda ku fadhiyo.
Waxa kale oo la sheegayaa inay isku-shaayntaas ka muuqan doonto Hal-beeg kor loogu qaadayo Xilalka ay hadda Xukuumadda ku haysan Beelaha iyo Goboladda hadda sida weyn saloogga uga qaba Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo,gaar ahaana Gobolada Galbeedka Somaliland ee Awdal iyo Selal.