Madaxweyne Siilaanyo Oo La Filayo Inuu Mar Kale Korodhsiimo Ku Sameeyo Tirada Golihiisa Wasiirrada, Wasaarado La Kala Qaadayo Iyo Taariikhda Xukuumaddiisa Oo Noqonaysa Tii Ugu Tirabadnayd Abid
Hargaysa 14. April 2017 (SDN/QJ):- Iyadoo Bulshada Somaliland ay hore aad ula fajacsanaayeen Tirada Golaha Wasiiradda Xukuumadda hadda taladda haysa oo boqol ku dhaw ayaa haddana waxa si weyn loo haddal hayaa Talaabo kale oo miiska u saaran Madaxweyne Siilaanyo oo uu isku shayn ku samaynayo Golaha Wasiiradda,taasi oo saamyn ku yeelnaysa Xagga Tirada Wasiiradda islamarkaana keenaysa In mar kale ay kordhaan Tirada Golaha Wasiiraddu,Warka aanu helnay ayaa sheegaya in Mar kale Wasaaraddo kale laba loo kala goynayo oo laba Wasaaraddood laga dhigayo.
Warar Xog ogaal ah oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa daaha ka rogay in isku shaandhaynta sida wayn loo hadal hayo ee Miiska u saaran Madaxweyne Siilaanyo ee uu ku samayno Golihiisa Wasiiradda ay mar kale saamayn ku keenayso Tirada Golaha Wasiiradda ee aad loogu dhaliilo Xukuumadda,taasi oo ku dhaw inay Tiro ahaan ku soo libin laabanto ama saddex dalool,Laba dalool dheer tahay Xukuumaddii UDUB ee Daahir Riyaale Kaahin oo uu Madaxweyne Siilaanyo wakhtigii uu mucaaridka ahaa ku dhaliili jiray Tiro badnaanta Golaha Wasiiradda islamarkaana ay ka mid ahayd meelaha uu bulshada ka tusi jiray inuu wax ka qabanayo oo haddii uu talada Dalka ku guulaysto uu soo dhisayo Dawlad tiro yar oo Tayo leh,Balse markii uu Talada Dalka ku guulaystay uu sameeyay Xukuumaddii ugu tirada badnayd oo illaa imika oo uu Isku shaandhayn sameeyo uu soo kordhiyo Wasaaraddo Iyo Tiro Wasiiro ah oo Cusub,Taasi oo Culays ku ah dhinaca Dhaqaalaha Iyo Tayada Dawlada,islamarkaana meesha ka saaraysa in Balan qaadkii uu Siilaanyo Bulshada u balan qaaday wakhtigii uu Mucaaridka ahaa uu Hal bacaad lagu lisay ka dhigay.
Wararka hor dhaca ah ee aanu ka ka helnay Isku shaandhayntan ayaa waxa ay sheegayaan in Isku shaandhayntan ugu dambaysa ee uu Madaxweyne Siilaanyo ku samaynayo Golihii Wasiiradda oo sida la sheegay noqonaysa mid aad u culus ay saamayn ku yeelanayso dhawr wasaaraddood,sida Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland oo laba loo kala jarayo iyo Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare oo laba wasaaraddood laga dhigayo,iyo Wasaaraddo kale. Wasaaradda Arimaha Gudaha ayaa sida aanu warkan ku helnay waxa loo kala qaadayaa Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Dawladdaha hoose oo Wasaarad gaar ah noqonaysa iyo Wasaaradda Amniga oo gaar looga saarayo oo dhismo Cusub iyo Xarun Cusub oo wasaaraddeed loo samaynayo.
Sidoo kale Wasaaradda Waxbarashada ayaa waxa loo kala Qaadayaa Wasaaradda Waxbarashada oo gaar ah oo meel gaar ah loo rarayo iyo Wasaaradda Tacliinta Sare oo sida Warbixintani nagu soo gaadhay laga dhigayo Wasaarad gaar ah oo bajad gaar ah leh iyo nidaam gaar ah leh.
Wasaaraddaha soo kordhaya ayaa marka loo eego tiradii hore ee Wasiiradda ahaa ee hore looga walaacsanaa waxa ay gaadhsiinaysa ama ku dhawaynaysaa tirada Wasiiradda guud ahaan ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo illaa Boqol Wasiir.
Waxa la filayaa in dhawaan Madaxweyne Siilaanyo oodda ka soo qaado hormooyin kale oo magacyo wasiirro ah iyo wasaarado cusub taasi oo la sheegay in ay miiska saran tahay kadib wada tashiyo badan oo ay xataa dhinac ka ahaayeen hogaanka KULMIYE iyada oo la filayo in xukuumaddaasi noqon doonto tii ugu dambaysay ee Madaxweynuhu soo dhiso sidaana ku gali doonta kaambaynka siyaasadeed ee ay mar kale doonayaan in KULMIYE ku soo baxo oo uu xilka dalka dib ugu soo laabto.
Sidaana waxa uu Madaxweyne Siilaanyo taariikhda ku galayaa Madaxweynihii ugu xukuumad badnaa dhinaca tirade wasiirrada inkasta oo uu wakhtigii Rayaale ku eedayn jiray xukuumad tiro badan oo tayo xun balse xukuumaddiisu haatan u muuqato.