|

Madaxweyne Siilaanyo oo Kulan La Yeeshay Hay’ada Shaqaalaha Dawlada & Mar Kale oo La Hakiyey Shaqaalihii Cusbaa ee Dawladu qaadanaysay DAAWO/SAWIRO

Hargaysa 22. April 2017 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha qaranka Somaliland Md.Sharmaarke Geelle, ayaa ku dhawaaqey in ay hakad-geliyeen qaadashaddii iyo weli ba sida oo kale qoristii shaqaalaha cusub ee dawladda, waxaana uu carabka ku ballaadhiyey maadaama oo wakhti adag lagu jiray ay talo ahaan isla garteen in dib loo dhigo wakhtiga qaadashada shaqaalaha dawladda.

Sharmaarke Geelle, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu ka hadlaayey ka dib kulan dhex-maray isaga iyo Madaxweynaha Somaliland oo ay ku wehelinaayeen madaxda sare sare ee hay’adda shaqaalaha dawladda.
“Sida aad ka war-qabtaan shaqaalaha dawladdu muddo saddex bilood ah waxa uu ku jiray hakad oo loo hakiyey xaaladaha dalkeena, waxaana aynu rajeynaynaa in saddex bilood ka dib aynu bilaabi doono shaqaalaheenii, xulashadeenii iyo rajadeenii oo aynu dib u soo celino, taladu na waxa ay noqotay in shaqaalahii dawladda la hakiyo illaa xaaladdeenu ay sidan soo dhaameyso.”.Sharmaarke Geelle

Comments are closed