|

Madaxweyne Siilaanyo oo Ku Xigeenkiisa ka Dalbaday inuu Dib u dhigo Isu Imaatinka Xubnaha Golaha Dhexe ee Kulmiye Iyo Go’aaamo uu London kala Iman doono

London  17.Oct 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa ka codsaday ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici inuu dib u dhigo iskugu yeedhitaanka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, isla markaana lala sugo intuu dalka dib ugu soo laabanayo.

SiilaanyoMadaxweyne Siilaanyo iyo wefdi uu hogaaminayo oo magaalada London ku sugan ayaa lagu wada inuu Sadex Maalmood Gudahood u soo Kicitimo  caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaana la filaya inuu madaxweynahu qaboojiyo khilaafka soo dhex gallay musharaxiinta xisbiga Kulmiye ku loolamaya.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa wararku tibaaxayaan inaanu la dhacsanayn qaabka madaxweyne ku xigeenkiisu u maamulay qaabka la iskugu keenayo golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa wararku tibaaxayaan inuu doonayo in la sameeyo guddi dhex dhexaad ah oo loo xil saari doono qaban qaabadda shirweynaha xisbiga Kulmiye, kuwaasi oo iyagu qaadan doona doorka la iskugu yeedhi doono golaha dhexe, maadama oo guddoomiyaha xisbiga Muuse Biixi Cabdi iyo xoghayaha xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf ay labaduba yahiin musharaxiin, ayaa Wararku tilmaamayaan inuu Madaxweyne Siilaanyo damacsan yahay in la helo guddi ka madax bannaan dhinacyada loolamaya.
Xogo Qurbejoog ka heshay Ilo ku dhow Madaxweyne Siilaanyo ayaa intaas ku daraya  in Madaxweynuhu ku talo jiro Sidii uu Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Maxamed Biixi Yoonis Inay Labadooduba Xilalka Iska Casilaan Ka Hor Doorashada Musharaxa ee shirweynaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye Isla markaana u Madax bannaanadaan Hawshooda Murashaxnimo isla markaana xisbiga loogu tartamo si cadaalad oo xor ah Caawa  ayuu madaxweyne Siilaanyo London kula kulmi doona jaaliyadda Somaliland ee dalka ingiriiska.

Comments are closed