|

Madaxweyne Siilaanyo oo Ku baraarugay Khatarta Tahriibta Isla markaana Magacaabay Gudi uu u Xilsaaray Soo Afjarida Tahriibta iyo Shaqo abuurka

Hargaysa 23.June (SDN) Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu caawa Magacaabay Guddida Ka Hor-tagga Tahriibka iyo Shaqo Abuurka, isaga oo ka duulaya sidii loo soo afjari lahaa aafadaasi loona badbaadiyo da’yarta Dalka u soo koraysa.

Gudida Madaxweynuhu magacaabay oo ka mid ah Golaha Wasiiradu waxay kala yihiin

1.       Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

2.       Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska

3.       Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

4.       Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta

5.       Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta

6.       Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta

7.       Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka

Madaxweynuhu Waxa uu Qoraalka Magacaabista Xubnahan ku Yidhi Mudanayaal,

Sida aad ka war-haysaan, waxa isa-soo-taraya dhalinyarada  tahriibka u xadhko-xidhanaysa, kuwaas oo saamayn ku yeeshay Bulshadda Somaliland, maadaama tahriibku yahay aafo laga dhaxlo haligaad nafeed iyo ummadeed.

Haddaba, si aafadaasi loo soo afjaro, isla markaana loo badbaadiyo da’yarta, waxa aan mas’uuliyiinta warqadani sida tooska ah ugu socoto u magacaabay Guddida Ka-hor-tagga Tahriibka iyo Shaqo Abuurka. Waxaana guddoomiye u noqon doona Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Sidaa darteed mudanayaal, waxa aan idinka rajaynayaa in aad hawshan xil mug iyo miisaan leh iska saari doontaan.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed