|

Madaxweyne Siilaanyo oo Khudbad ka Jeediyay Xarunta Caalamiga ah ee The Atlantic Council

Washington 22.April (SDN)  Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Weftigii uu hogaaminayay oo ku Sugan Magaalada Washington ee dalka Maraykanka ayaa Khudbad ka jeediyay xarunta Caalamiga ah ee lagu magacaabo THE ATLANTIC COUNCIL ,Taas oo ay ka soo qayb galeen madax sar sare oo ka tirsan dawlada markaykanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo uu Weheliyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibada ee Somaliland Dr Maxamed C.laahi Cumar waxa  uu Madaxweynuhu Faah faahin ka bixiyay Marxaladihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo Martay tan iyo intii ka danbaysay markii ay dib ula soo noqotay Madaxbanaanideeda .

Mudane Axmed Siilaanyo Waxa uu Iftiimiyay horumarka dhinacyada badan leh ee Somaliland ku talaabsatay isagoo si gaar ah u tilmaamay Dhismaha Dawladnimo iyo Hanaanka Geedi Socodka Dimuquraadiyada ee ay ku naaloonayso waxaa kale oo uu Madaxweynuhu Cadeeyay in Somaliland ay mar walba la dagaalanto Argagixisada iyo Budhcad badeeda waxaanu Sheegay in Dawlad ahaan ay u baahan yihiin taageero Muuqata oo adduunku ka gaysto ku sii nagaanshaha Maqaamka ay Somaliland taagan tahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo Wax laga weydiiyay Wada hadalada Somaliland iyo Somalia u socda ayaa Sheegay inuu yahay mid ka dhashay baaqii Caalamiga ahaa ee Ka soo baxay Shirkii London ka qabsoomay bishii Labaad ee Sannadkii hore kaas oo soo Jeediyay ayuu Yidhi in Somaliland iyo Somalia ay ka wada hadlaan Xidhiidhkooda Mustaqbalku halka uu ku danbayn doono,Waxaanu Intaas ku daray in Somaliland ay ka qayb gashay Kulamadii kala duwanaa ee labada dal ku yeesheen Isu taga Imaaraadka carabta Dubai iyo Wadanka Turkiga,Madaxweyne Siilaanyo Wuxuu Hoosta ka xariiqay in Qadiyada Madax banaanida Somaliland ay tahay Mid aan Gorgortan geli Karin,Waxaanu intaas ku daray inay Beesha Caalamka uga baahan tahay Aqoonsi Caalami ah.

Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada Dr Maxamed C.laahi Cumar ayaa dhiniciisa ka waramay Siyaasada arrimaha dibada.
Halkan ka daawo

Watch live streaming video from atlanticcouncil at livestream.com

Washington Dc SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed