|

Madaxweyne Siilaanyo oo ka Qayb galay Madal loogu Magac daray Qiimee Qofkaaga Si aad Qiimo u Yeelatid

Hargaysa 20.Feb (SDN) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Madane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Maanta Ka qayb galay Munaasibad Balaadhan oo loogu Magac Daray “Qiimee Qofkaaga Si Aad Qiime u Yeelato” oo Lagu Qabtay Huteelka  Maansoor ee magaalada hargaysa.

Munaasibadan  Loogu Magac Daray “Qiimee Qofkaaga si aad Qiime U yeelato ayaa waxa ka soo qayb galay Madaxweynaha Jsl,Md.Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo,Wasiirka Madaxtooyada jsl,md.Xirsi Cali X.Xasan,Wasiirka Qorsheynta Qaranka Md.Sacad Cali Shire,iyo  Muwaadin Rashid Sulub Caalin oo isagu gadhwadeen kaahaa iskuna  soo dubariday barnaamijkan la xidhiidha qiimaynata waxqabadka bulshada.

Barnaamijkan ayaa  waxa lagu soo xulay boqol qof oo lagu qiimeeyay wax qabadkii bulshada dhexdeeda ay ka gaysteen kuwaas oo ay ka midyihiin hogaamiyayaasha bulshada, culimada , abwaanada, ganacsatada iyo guud ahaan dadka ku hawlan  arimaha kala duwan ee horumarinta bulshada.

Waxaana halkaas lagu gudoonsiiyay shahaado sharafeed boqolkii  haldoor ee laga soo dhex xulay bulshad, kuwaasi oo dadka ka  badan Laba iyo Toban Kun oo Qof ay u soo Codeeyeen , sidaana lagu godoonsiiyey abaalmarintaasi.

Madaxweynaha Jsl Md.Axmed Maxamed Maxamud ayaa bogaadin iyo Amaan u  jeediyay xarunta Qiimeynta qaran iyo gudoomiyaheeda   Rashiid sulub caalin iyo dadkii kale ee  Gacanta ka geystay Abaabulka iyo isku duwidda barnaamijkan Qiimee qofkaaga si aad  qiime u yeelatid,Madaxweynuhu waxaa uu intaasi ku daray in Qiimeynta Qof ay u horseedo inuu dedaalkiis sii laban laabo iyadoo uu ku tilmaamay barnamij dalka iyo dadkuba wax tar u leh.

Waxa kale oo munaasabadaas ka hadlay wasiirka qorshaynta qarankaSacad Cali Shire oo ku tilmamay hawshan mid abuuraysa dhiirigalin u ah bulshada inay ku tartanto horumarka iyo wax wada qabsiga taasi oo fure u noqon doonta horumarka dalka jsl. Geesta kale Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Xirsi X.Cali  Xasan ayaa u mahad celiyey xaruntan soo abaabushay.

Abwaan Maxed I, Warsame hadraawi.suldaan maxed cabdi qadir, marwo adna aadan ismacil  iyo wakiilada shirdaaha Telesom,Dahabshiil, Al nuur ayaa dhamaamtood sheegay sida ay ugu faraxsan yihiin Barnaamijkan kuna Sifeeyay Mid ay bulshadu ka duuli karto,isla markaana ku sii dhiirigalinaya  inuu Qofkastaa Dedaalkiisa Sii laban laabo.

Waxaana halkaasi Ka hadlay Masuuliyiin iyo Marti Sharaf kale oo Dhamaantood Amaan u soo jeediyay Muwaadinkii Soo qabanqaabiyay Munaasibadan.

 

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

 

 

 

 

Comments are closed