Madaxweyne Siilaanyo oo Jigjiga looga casuumay sidii Maamul Goboleed iyo Cabdiraxmaan Ciro oo Dawlada dhexe casuuntay
Hargeysa Dec 09,2013(SDN)-Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo ayaa magaalada Jigjiga ee is-maamulka Soomaalida Itoobiya uga qeybgalaya debaal dega Munaasibada Qowmiyadaha dalkaasi isaga oo loo soo casuumadeeyay sida madaxda Maamul goboleedyada ka jira dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Somaliland ayaa casuumad ka helay madaxweynaha Dawlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya Md Cabdi Muxumad Iley.
Md Cabdi Muxumad Iley ayaa sidoo kale casuumad taa la mid ah u fidiyay madaxda Maamulada Puntland,Galmudug,Jubba,Xibin iyo Xeeb.
Halka Guddoomiyaha Gollaha Wakiilada ee Somaliland Md Cabdiraxmaan Ciro uu casuumad ka helay dhigiisa dalka Itoobiya.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo siyaasada ku soo jiray mudo aad uu dheer ayaa khaladkan siyaasadeed aan isaga uun fadeexad u keeneyn balse meeqaamka Somaliland hoos u dhigeysa.
Md Axmed Siilaanyo oo siyaasada ku jiray intii Ingriisku dalka ka xoroobay ayaa inta badan waxyaabaha uu xilka ku muteystay waxa ka mid ah in uu yahay siyaasi rug cadaa ah.
Dhacdadan ayaase muujineysa in dhalinyarada madaxweynuhu isku xeeray iyo da’ada ka daba timi oo isu baheystay ay keeneen in khaladaad noocan ah oo faro badani uu madaxweynuhu galo.
Si kastaba ha ahaatee hadii ay jirto cid daneyneysa sumcada madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Jiritaanka Qarinimada Somalilandba waxa haatan la soo gaaray xiligii ay tilaabada haboon ka qaadi laheyd xaaldahan isa soo taraya ee Madaxtooyada ka socda ee kala haadka keeni karaya.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com