Madaxweyne Siilaanyo Oo Guddi U Saaray Dhulka Masallaha ee Muranku Ka Taagan Yahay, Taliyaha Ciidankana Amar Culus Faray
Hargeysa:Jan,26,2015(SDN/QJ)-Madaxweyne Siilaanyo, ayaa la sheegayaa inuu soo farogeliyey muran ka dhex aloosan ciidanka qaranka iyo Odayaasha Xaafadda masallaha ee Koonfurta Magaalada Hargeysa, waxana wararka aanu haynaa sheegayaan inuu kulamo la qaatay odayaashii cabashadooda markii hore warbaahinta mariyey.
Wararka aanu hayno ayaa sheegaya in madaxweyne siilaanyo odayaasha u sheegay in dhulkaasi xukuumaddu u aqoonsan tahay dhul dan guud oo uu iska leeyahay Garoonka Cigaal International, sidaas darteedna aanu ahayn dhul ciidanku leeyahay, am acid kale sheegan karto.
Madaxweynaha, ayaa si degdeg ah Guddi kooban ugu magacaabay turxaan bixinta dhulkaas, isagoo taliyaha ciidankana amray inuu ciidanka ka saaro Goobaha muranku ka taagan yahay oo aanu marnaba ku sheegin madaxweynuhu inuu dhul ciidan yahay.
Goobo kamid ah dhulkaas oo odayaasha xaafaddaasi ku sheegeen inuu Garoomo kubadeed yahay ayuu madaxweynuhu aqbalay, waxana uu tilmaamay inuu arrintaas ku raacsan yahay oo ay garoomadaasi yihiin kuwo umaddu leedahay oo ubadku kubadda ku ciyaarayaan.
Magacyada xubnaha Guddidaas, ayaan magacyadooda si rasmi ah loo shaacin, balse waxa la tilmaamay inay wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha ciidanka Boolisku ku jiraan.
Taliyaha ciidanka qaranka, ayaa amarkaas qaatay, waxana la filayaa inay ciidamadu dhawaan halkaas iskaga bixi doonaan, isagoo markii hore Taliyuhu sheegayey inuu dhulkaasi yahay Xero ciidan oo aanu cidnaba uga tegi doonin.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com