|

Madaxweyne Siilaanyo oo Go’aansaday inuu Xilka ka Xayuubiyo Wasiiradiisa Maaliyadda Iyo Sababaha Keenay

Hargaysa 28.Dec 2015 (SDN/QJ):- Madaxweyne Siilaanyo ayaa lagu wadaa inuu isku shaandhayn Kooban ku sameeyo Xubnaha Golihiisa Wasiirada kadib Cadaadis kaga Yimid Gudoomiyaha ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi.

IMG_164F39-E38DE2-101D1D-BC1C1F-751321-632941Warar ay Shabakada Qurbejoog.com ka Heshay Ilo wareedyo u dhuun daloola dhaqdhaqaaqyada ka socda xayn daabka aqalka Madaxtooyada ayaa tilmaamaya in Madaxweynuhu soo saari doono Isku shaandhayn Kooban kuwaas oo uu kaga gudbayo xaalad haatan taagan.

Wararka ayaa Sheegaya in Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye uu tiraba dhawr jeer madaxweynaha ku ajburay Sidii uu Xilka uga qaadi lahaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Marwo SamSam Cabdi Aadan oo uu xusay inuu kaga cabanayo inaanay Sidii la rabay ula shaqayn Maamulka Sare ee Xisbiga Kulmiye isla markaana ka hor istaagtay dhaqaalihii ay ku fushan lahaayeen ololayaashooda taageero doon,Warku wuxuu intaas ku darayaa in Gudoomiye Muuse Biixi uu soo jeediyey in Xilka Wasaaradda Maaliyada loo magacaabo Wasiirka Wasaaradda Duulista hawada iyo Gaadiidka Cirka Mudane Cismaan Saxardiid Caddaani oo Xulufo la ahaa Garabkii Gudoomiye Biixi Xiligii ay is hayeen Wasiiradii ka huleelay Saaxada Siyaasada Xisbiga Kulmiye.

Wasiir Samsam Cabdi Aadan ayaa sidoo kale Gudoomiye Biixi uu ku Saluugay qaabka ay u soo diyaarisay Odoroska Miisaaniyada qaranka ee 2016 taas oo Weli hor taala Golaha Wakiilada lana filayo inay ka dib dhacdo dhaqan galkeedu bilowga sannadka cusub ee 2016, Iyadoo la rumaysan yahay in Xildhibaanada u Janjeedha dhanka Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ay hormood ka yihiin Cago jiidka ay ku socoto dooda Miisaaniyada qaranka.

Sida ay Sheegayaan Tibaaxaha Qurbejoog ka helayso aqalka madaxtooyada waxaa kale oo Suurto gal ah inuu Madaxweynuhu Xilalka ka xayuubiyo qaar ka mid ah Golihiisa Wasiiradda oo loo arko kuwo ka dhan ah Siyaasada Cusub ee Xisbiga Kulmiye ,Kuwaas oo kala cadaan doona marka ay soo baxdo isku shaandhayntani.

Comments are closed