|

Madaxweyne Siilaanyo oo Ganafka ku Dhuftay Dalabaad ay u Jeediyeen Ergadii Golaha Guurtida ee Xalinta Khilaafka Kulmiye

Hargaysa 27.May 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa la sheegay inuu Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay ergo ay Golaha Guurtidu u Xilsaareen Deminta Xiisada adag ee ka dhex oogan Xisbiga Kulmiye .

Sida ay Shabakada Qurbejoog.com u Xaqiijiyeen Ilo Wareedyo amuurtan u dhuun daloola oo ku Sugan Madaxtooyada markii uu shirkani dhacayay ayaa Waxay Ergada Golaha Guurtida  ka dalbaday Madaxweyne Axmed Siilaanyo in Garabkiisu ay Hakiyaan Shirka la sheegay in loo qabanayo Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee ay Iclaamiyeen inuu dhacayo 01 June.

Hasa Yeeshee Madaxweynaha Somaliland Mudane Siilaanyo ayaa dhankiisa u sheegay Ergaada Guurtida in Xisbiga Kulmiye uu leeyahay Xeer iyo Shuruuc loona baahan yahay in Cid kastaa ay Xaq dhawrto waxaanu sheegay in Cid kastaaba ay ku kalsoonaato Wixii ay Go’aamiyaan Golaha Dhexe ee la isku hayo ansaxnimadooda.

Si kastaba ha ahaatee ergadii Golaha Guurtida oo faro madhan ayaa la sheegay inay ka soo dareereen Qasriga Madaxtooyada lamana garanayo halka ay u sii gudbi doonaan Maadaama ay Quus kala Yimaadeen Madaxweynaha.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed