Madaxweyne Siilaanyo oo Gaashaanka u daruuray soo Jeedin ay Ergadii reer Buuhoodle kaga dalbadeen in la sii daayo Jaamac Kutiye
Hargeysa, 17 Feb 2015 (SDN/QJ)- Madaxweyne Siilaanyo ayaa shalay qaabilay Weftigii Cuqaasha iyo odayaasha ka koobnaa ee reer Buuhodle, isla markaana waxay labada dhinac halkaa ku yeesheen wada hadal la xidhiidhay qasdigii weftigu u socdeen.
Ma jiraan warar si toos ah uga soo baxay kulankaasi, hase yeeshee siday W. Ogaal u sheegeen illo wargaleen ahi, kulankaa waxa ka qaybgalay Madaxweynaha, wasiirka madaxtooyada Xirsi, xubnaha weftiga, Wasiirka Caafimaadka Xaglatoosiye iyo laba Suldaan oo madax dhaqameedka barriga Burco ka mid ah. xoguhu waxay intaa ku dareen, in weftiga Buuhoodle ay ka hadleen laba qodob oo uu ku salaysnaa ajandaha qasdiga socodkoodu. Siday xogahaasi iftiimiyeen, weftigu waxay u sheegeen Madaxweynaha inay u socdeen nabad ka aslaaxda deegaanadii ay hore colaadu uga dhacday, si uu u soo laabto wada noolaanshihii dadka deegaanada Buuhoodle, Qorulugud iyo aaggaga ku teedsan. Dhanka kale waxay xogahaasi tibaaxeen, in ay odayaasha Buuhoodle u qadimeen codsi nuxurkiisa lagu sheegay, in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u sii dayso laba nin oo deegaanka Buuhoodle dhalasho ahaan ka soo jeeda, oo falal argagixiso ka fuliyay Somaliland, isla markaana ku xidhan Hargeysa, kuwaasoo uu ugu horeeyo nin lagu magacaabo Jaamac Kuutiye. Waxa kale oo odayaashu u sheegeen madaxweynaha inay ku kalsoon yihiin wasiirka caafimaadka uuna yahay wasiirkooda, isla markaana uu isagu metelo deegaankaa.
Siday xogahaasi sheegeen madaxweyne Siilaanyo, wuxuu soo dhaweeyay qorshaha nabadda ee ay la socdeen weftiguna, isla markaana wuxuu u jeediyay in arrinta nabadaynta ay ka wada shaqeeyaan, iyaga(cuqaasha buuhoodle) iyo madax dhaqameedka beesha barriga Burco oo ay shirkaa ka fadhiyeen laba suldaan.waxa kale oo uu madaxweynuhu u sheegay weftiga in dawladdu diyaar u tahay in laga wada shaqeeyo nabada iyo horumarinta. dhinaca maxaabiista argagixisada u xidhana waxay xogahaasi sheegeen, in madaxweynuhu u caddeeyay odayaasha Buuhoodle in aanay suurtagal ahayn sii daynta nimankaasi, isla markaana wuxuu xusay in nimankani yihiin dembiilayaal uu caalamku indhaha ku hayo oo Somaliland iyo caalamkaba dembi ka galay, sidaa darteedna aanuu aqbali Karin codsigaa.
Wararku waxay intaa ku dareen in kulankaasi saacado badan socday, loona balamay kulan kale. Dhanka kale garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe oo la soo xidhiidhay weftiga ayaa la sheegay inuu kula dardaarmay, inay la shaqeeyaan wasiirka reer Buuhoodle, midnimaddoodana ilaaliyaan, isagana u daba fadhiistaan hawsha ay u socdaan.