|

Madaxweyne Siilaanyo oo Dhambaal Tacsi ah u diray Qoyskii,Qaraabadii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka Baxay Dr Cabdi Aw Daahir

Hargaysa 06.April 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii,  golayaasha Qaranka, waxgaradka, waayeelka, madax dhaqameedka, siyaasiyiinta iyo guud ahaan shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Dr. Cabdi Aw Daahir Cali oo maanta (06/04/2016) ku geeriyooday magaalada Burco.

Madaxwaynaha jSL Md Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo ayaa maanta bulshada Gudo iyo Dibadba Meeel ay Joogaan Waxa uu kala hadlay Warbaahinta qaranka Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey siyaasi ruug caddaaya oo qaranka Somaliland kaga suntanaa baal dahab ah, kana soo qaybqaatay dib u dhiskii dalka iyo nabad kuwada noolaashaha beelaha Somaliland wada dega, isagoo xilal kala duwanna ka soo qabtay xukuumadihii kala danbeeyey ee dalka iyo axsaabta qaranka, kana mid ahaa dhakhatiirtii ugu horaysay ee aqoontooda dhakhtarnimo u hibeeyey, duurkana u galay sidii ay dadkooda ugu gurman lahaayeen, kana hawlgeleyey dawaynta mujaahidiintii horseeday xoraynta dalka.

 

Marxuumku wuxu ka mid ahaa haldoorka dhakhatiirta dalka ee wakhtigooda iyo maskaxdooda u hibeeyey dawaynta iyo horumarinta caafimaadka shacbigooda.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii,  golayaasha qaranka, waxgaradka, waayeelka, madax dhaqameedka, siyaasiyiinta, aqoon yahanka iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Comments are closed