|

Madaxweyne Siilaanyo oo dhagax dhigay Wasaarada Boosaha iyo Maktabada Qaranka

Hargaysa 08.Sep 2013 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa maanta dhagax-dhigay Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsinta Jamhuuriyada Somaliland iyo Maktabada Qaranka “National  Library” taas oo Madaxweynuhu ugu deeqay dhulka loo qorsheeyay in laga Hirgaliyo.

Madaxweynaha oo ay Weheliyaan Qaar ka Mid ah Golihiisa Wasiirada, Xildhibaano iyo Madax kale waxaa Madaxweynaha Warbixin ka siiyay Wasaarada boosaha iyo Isgaadhsiinta Wasiirka Wasaaradaasi Mudane Maxamed Jaamac Abgaal oo Tilmaamay qiimaha ay Wasaaradani ugu fadhido dhismaha qaranka waxaanu Madaxweynaha ugu Mahadceliyay dhagax dhigida Wasaarada boosaha .

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo hadal kooban madashii dhagax dhigid ka jeediyay ay sheegay inuu ku faraxsan yahay dhagax dhigida dhismaha wasaarada boosaha waxaanu xusay in mudooyinkii u danbeeyay ay Xukuumadu ku hawlanayd sidii ay Hay’adaha dawlada ugu samayn lahayd dhismayaal lagu soo Hirto.

Sidoo kale Waxa uu Madaxweynaha Somaliland Mudane Siilaanyo dhagax dhigay Maktabada Qaranka “National  Library” Isagoo Sheegay inay qayb weyn ka qaadanayso horumarinta iyo Kobcinta Waxbarashada

IMG_0022

IMG_0035IMG_0039IMG_0053IMG_0053 IMG_0056IMG_0065

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

IMG_0069IMG_0082IMG_0093

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

 

 

Comments are closed