|

Madaxweyne Siilaanyo oo Mudo Kordhintii Guurtida ku Macneeyay Go’aan Distoori ah, Sharciyada Dawladiisana Xalaaleeyay,Hanjabaadna u diray Mucaaridka DAAWO

Hargaysa 26.Julay 2015 (SDN/QJ)- Wefti Balaadhan oo uu Hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ayaa Socdaal Shaqo Waxay maanta ugu Kicitimeen Gobolka Sanaag si ay u soo kormeeraan Mashaariic Horumarineed oo Deegaanada Gobolada bari laga hirgaliyay.

Madaxweyne Siilaanyo oo Warbaahinta kula hadlay Qasriga Madaxtooyada ayaa sheegay in Xukuumad ahaan ay diyaariyeen wax kasta oo khuseeya arimaha doorashooyinka waxaanu intaas ku daray in waxa keliya ee hadhsani ay tahay xeerkii lagu soo dooran lahaa Golaha Wakiiladda. ‘
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo waxa uu ku nuuxnuuxsaday in Go’aankii ay Golaha Guurtidu ugu Kordhiyeen dhamaadka Mudo Xileedka Xukuumada iyo Golaha Wakiiladu uu yahay Sharci,isagoo hoosta ka xariiqay inay la yaab tahay in Gudoomiye C.raxmaan Cirro uu Sharci daro ku tilmaamo Go’aanka uu Gudoomiyaha ku yahay ee ku shaqeeyo..

Madaxweynaha Somaliland waxaa kale oo uu ka hadlay in Xukuumad ahaan ay taageersan yihiin Wixii ay ku heshiiyeen Sadexda Xisbi isla markaana ay Waajib tahay inay ka sharciyeeyaan golaha Guurtida.
Gabo Gabadii Waxa uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo cadeeyay in Xukuumada uu hogaamiyaa ay ku shaqaynayso qaab sharci ah oo jiritaankeeda xalaaleeyay,Isla markaana uu xilka banayn doono marka dawlad la soo doortay,isagoo intaas ku daray in Cidkasta oo khalkhal galinaysa xasiloonida dalka ay talaabada ku haboon ka qaadi doonaan.

Comments are closed