|

Madaxweyne Siilaanyo Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay,Isagoona Ka Hadlay Tartanka Kulmiye Kana Gaabsaday Inuu Musharaxnimadiisa Cadeeyo – Daawo Sawirrada.

Hargeysa,1Oct,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo waftigii uu hogaaminayey ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii ay soo dhamaysteen safarkii ay ku tageen Ireland .

Madaxweynaha somaliland oo markii uu ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiin kala duwan ayaa waxa uu warbaahinta uga waramay safarkii uu ku tagay wadanka Ireland waxaanu yidhi “Waxaan ku faraxsanahay inaan dalkii dib ugu soo noqday si nabad galyo, waxaan ka soo  laabtay safar shaqo oo aan ku tagay dalka Ireland kaas oo aanu la kulanay hay’addaha kala duwan ee dalkaas iyo madaxweynaha dalkaas oo na marti qaaday.” Sidoo kale madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu ka hadlay tartanka ka dhex taagan xisbiga Kulmiye, isaga oo sheegay in si dimuqraadi ah loogu tartami doono xisbigaas waxaanu yidhi “Sida aynu ka war hayno waxa fooda inagu soo haya xiligii doorashooyinka imikana waxa taagan shirka golaha dhexe ee Kulmiye, sida dalka lagu yaqaanay wadankani waa dal dimuqraadi ah xisbigana waxa loogu tartami doonaa si dimuqraadi ah oo loo siman yahay, waxaan xisbiga iyo dawladaba kula dardaarmayaa in la ilaaliyo midnimada, qaranimada,anshaxa iyo dhaqanka suuban ee tartanka dimuqraadiga ah iyada oo la dhawrayo nidaamka iyo xeerarka xisbiga u yaala.”

Madaxweyne siilaanyo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Guud ahaan waxaan dadka kula dardaarmayaa in la ilaaliyo nabad galyada wada jirka iyo isku duubnida qaranka.”

Madaxweyne siilaanyo oo la waydiiyey inuu musharax yahay iyo in kale ayaa ka gaabsaday, waxaanu sheegay inuu su,aashaas la sugayo wakhtigeeda.

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirro Dhammeystiran.

 

QJ/SDN: Hargeysa

Comments are closed