|

Madaxweyne Siilaanyo Oo Curashada Sanadka Cusub La Diyaar ah Isku-shaandhayn Golihiisa Wasiirrada ah Iyo Reer Awdal Oo Dhaxli Doona Wasaarado Muhiim ah

Hargeysa:Jan,01,2015(SDN/QJ)-Curashada Sanadka cusub ee Maanta Bilowga ah, ayaa la filayaa in Madaxweyne Siilaanyo ku ibo furo isku shaandhayn laxaad leh oo uu ku samayn doono Golihiisa wasiirrada, iyadoo la sugayo inay arrintaas sababteeda koowaad leedahay Culayska xukuumadda madaxweyne Siilaanyo kasoo food saaray dhinaca shacabka reer Awdal oo si weyn ukacsan.

krIsku shaandhayntan, ayaa la sheegayaa inaanay inaanay ku ekaan doonin kaliya Golaha Wasiirrada, balse ay u gudbi doonto Dhianca Hay’adaha Madaxa Bannaan ee Waddanka, kuwaas oo saami badan laga siin doono Reer Awdal oo muujiyey sida ay ugu qatan yihiin xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Shalay ayuu madaxweyne Qasriga Madaxtooyad Kulan albaabadu u xidhan yihiin kula qaatay Xubno odayaal ah oo wakiil ka ahaa Gobolka Awdal, waxana laga wada Hadlay Sida loo qancin lahaa shacabka Reer Awdal oo tabashooyin badan ka tirsanaya Xukuumadda maanta jirta, taas oo madaxweynuhuna ballamo aan raagi doonin u sameeyey.

Sida ay sheegayaan ilo xogogaal ah oo qurgejoog.com heshay, waxa madaxweynuhu hoosta ka xarriiqay tiro wasaaraddo iyo Hay’ado madax bannaan ah oo uu arko inay qancin karaan shacabka Reer Awdal haddii la siiyo, waxana uu haatan si weyn uu axadhayaa istaraatiijiyaddii uu arrintan u hirgelin lahaa.

Warar aanu ka helayno qasriga     Madaxtooyada, ayaa sheegaya in madaxweynuhu ku wargeliyey la taliyayaashiisa  inay kasoo fikiraan Cid  kasoo jeedda Gobolka Awdal oo lagu aamino Wasaaaradaha muhiimka ah, taas oo uu wali jawaabteeda  ka sugayo la taliyayaasha madaxtooyada fadhiya.

Kooxda  madaxtoyada ku xeeran, ayaa  si ay ugu jawaabto culayska Borama kaga socda, waxa ay ka fikirayaan shakhsiyaad Miisaan leh ooo kasoo jeeda Gobolka Awdal, isla-markaana hanan kara xilal culus oo la doonayo in reer Borama ayaamaha soo socda loo magacaabi doono.

Xogaha aanu hayno, ayaa sheegaya in madaxweynuhu kooxdiisa u sheegay in reer Borama la siin doono qaar kamid ah wasaaradaha A-da loo yaqaanno oo  intooda badan ay Beesha dhexe haysato, waxana haatan wadnaha farta ku haya Wasiirro intii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo jirteyba iska haystay wasaaradahaas muhiimka qaranka u ah.

Xogaha aanu ka helay Ballamaha odayaasha reer Borama ku tegeen, ayaa sheegaya inay  Madaxweynaha si sharaf leh uga sugayaan saamiga uu siin doono, balse iyagu ma magacaabin cid ay si gaar ah u doonayaan inay golaha Wasiirrada kasoo dhex muuqato.

Xilalka reer Borama la siinayo, ayaa la sheegayaa inaanay ahayn qaar wada cusub, balse waxa wararku sheegayaan in xubno haatan kamid ah Golaha wasiirrada laga qaadi doono xilalka ay hayaan, isla-markaana lagu beddeli doono xubno firfircoon oo Gobolkaas kasoo jeeda, isla-markaana aan xukuumadda haatan la fikir ahayn.

Wasiirrada Meesha laga saari doono, ayaa loo badanayaa inuu ugu horreeyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu ugu horreeyo, halka Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta oo isaga ay ehel yihiin Suldaanka Fallaagoobay la filayo in wasaarad muhiim ah loo beddeli doono.

Madaxweynaha, ayaa ballan qaaday inuu ugu badnaan Laba Toddobaad arrintan kusoo afjari doono, waxana ay ku kala tageen Reer Borama Farxad iyo is aaminaad xagga qawlka ah.

Isku shaandhayntan ayaa la filayaa inay Toddobaadyada soo socda soo if baxdo, waxana haatan la dareemayaa dhaqdhaaqyo ay wadaan Wasiirro shaki ka galay in shaqada la sahayan doono.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed