Madaxweyne Siilaanyo oo Caawa ka Hadli doona Khilaafka Kulmiye Iyo Khudbad uu u Jeedin doono Qurbejoogta London
Hargaysa 17,Oct 2015 (SDN/QJ)- Shacabka reer Somaliland ayaa si weyn ugu dheg taagaya khudbad la filayo in Madaxweyne Siilaanyo caawa u jeediyo jaaliyadda Somaliland ee magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Khudbadan ayaa la filayaa in Madaxweyne Siilaanyo uu kaga hadlo xaaladda adag ee dalka ka taagan, gaar ahaan xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay loolanka murrashaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE oo uu muddooyinkan dambe loolankeedu adkaaday.
Loolanka ayaa sabab u noqday kala socod ka muuqda golaha xukuumadda, waxaana la arkayaa wasiirada, wasiir-xigeenada iyo agaasimayaasha oo kala taabacsan murashixiinta, waana arrin haddii ay sii socoto wiiqi karta nidaamka dawladnimo.
Madaxweyne Siilaanyo oo uu toddobaadkii hore wasiirkiisa warfaafintu madal uu madaxweynaha laftiisu ku sugnaa ka sheegay in Madaxweynuhu yahay murashax, ayaa la filayaa inuu sidoo kale cadeeyo inuu yahay murashax iyo inaanu ahayn oo uu tanaasulay.
Xaaladda maalmihii u dambeeyay ka jirtay gobalka Awdal ee sababtay dhimashada iyo dhaawaca ayaa iyana la filayaa in Madaxweynuhu ka hadlo.