Madaxweyne Siilaanyo oo Boqolaal ka Tirsan Shacabka Hargaysa kula Tukaday Masjid Jaamaca Weyn SAWIRO
Hargaysa 17.July 2015 (SDN/QJ)- Waxaa Guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland Saaka Si weyn looga oogay Tukashada Labada Rak-cadood ee Salaada Ciidul Fidri.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo ay Weheliyaan Madax ka Tirsan Golayaasha Qaranka ayaa Shacab tiro badan oo ku dhaqan Caasimada Hargaysa Waxa uu kula Tukaday Masjid Jaamaca Weyn ee Caasimada.
Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil C.laahi Axmed ayaa Salaada Kadib waxa uu halkaasi ka jeediyay Dersi diini ah oo ku saabsan Munaasibada Ciida iyo Camalkii Wanaagsanaa ee aynu la nimid bishii barakaysnayd ee Ramadaan.
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa markaas kadib Waxa u Munaasabadda ciid-al-fidriga awgeed hambalyo iyo bogaadin u diray Guud ahaan Shacabka Somaliland iyo Shucuubta Islaamka ee u dabaal degaya Ciidul Fidri isla markaana soo Gutay Faralkii Bisha Ramadaan.
Salaada ka dibna waxa uu madaxweynuhu qasriga madaxtooyada ku qaabiley ciroole iyo caruurba oo halkaa madaxweynaha ku gacan qaaday uguna hambalyeynayey maalinta ciidal fidriga awgeed.