Madaxweyne Siilaanyo oo Booqasho ku Tagaya Dalka Boqortooyada Sucuudiga iyo Sababaha Xiligan Keenay
Hargaysa 03.July 2015 (SDN/QJ)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa la filayaa in Labada Cisho ee fooda inagu soo haya midkood Safar Shaqo uu ugu Kicitimaan dalka Boqortooyada Sucuudiga taas oo ka dhigaysa Booqashadii 1aad ee Madaxweyne ka socda Somaliland ku tago Wadankaasi.
In kasta oo si rasmi ah aanay Madaxtooyadu u Shaacin Socdaalka Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftigiisu ku tagayaan Boqortooyada Sucuudiga ayaa sida ay Shabakada Qurbejoog.com u xaqiijiyeen Mas’uuliyiin codsaday inaan magacooda la shaacin waxa uu daaran yahay Socdaalkani marti qaad ay Sucuudigu u fidiyeen Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo.
Waxaa Qasriga Madaxtooyada si weyn looga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo ku aadan diyaar garowga Weftiga Madaxweynaha.
Hasa yeeshee Tibaaxaha Socdaalkan ayaa tilmaamaya Ujeedo ay Boqortooyada Sucuudigu ka leedahay Somaliland oo markii hore aan la wadaagi jirin wax xidhiidh ah, Warku Wuxuu intaas ku darayaa in danta Sucuudigu ka leeyahay Somaliland ay salka ku hayso sidii ay Qayb uga noqon lahayd Xulufada uu Sucuudigu hogaamiyo ee ka dhanka ah Jab’hada Xuutiyiinta Yemen ee la wareegay talada dalkaasi, Sidoo kale Waxaa la saadaalinayaa in Sucuudigu ka dalban doonaan Madaxweyne Siilaanyo inuu Xulufadiisa siiyo Madaarka Magaalada Berbera oo ah goob istiraatiji ah una sahlanaysa Xulufadooda inay ka lib keenaan la dagaalanka kooxda Xuutiyiinta.
Dhanka kale Waxaa Jira warar mudooyinkii u danbeeyay ay faafinayeen Warbaahinta Somaliland oo la xidhiidha in Somaliland Ciidan kaga qayb qaadanayso dirirta lagula Jiro Kooxda Xuutiyiinta maadaama ay la mawqif tahay Xulufada Sucuudigu hor kacayo.
Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa ka hadlay Sida ay Walaac uga qabaan Ciidan Somaliland ka Socda oo loo diro Yemen si ay garab u siiyaan Xulufada Sucuudiga ee Gulufka dagaal ku haya Maleeshiyaadka Xuutiyiinta,Waxayna Talaabadaas ku sifeeyeen arrin sharci-darro ah, Inkasta oo Mas’uul u hadlay Xukuumaddu uu beeniyay in Somaliland wax ciidan ah udirayso Gacanka cadmeed si ay garab u siiyaan isbahaysiga sucuudigu horkacayo.
Si kastaba ha ahaatee Socdaalkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee Madaxweyne Somaliland ka socdaa uu ku tago Boqortooyada Sucuudiga tan iyo Mudadii ka danbaysay markii Somaliland ay ku dhawaaqday dib ula soo noqoshada madaxbanaanideeda.
Hargaysa SDN/QJ