Madaxweyne Siilaanyo Oo Berri Dalka kusoo Laaban Doona, Khilaafka Xisbigiisa, Hanka Ku Xigeenkiisa iyo Qodobada Laga Filan Karo.
Hargeysa,18Oct,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la filayaa in uu maalinta Berri ah dib ugu soo laabto Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland.
Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wafti uu hogaaminayo oo in muddo ah safar hawleed ugu maqnaa wadamada Imaaraadka Carabta, Ireland iyo England ayaa si weyn la isugu diyaarinayaa soo dhaweyntiisa.
Soo laabashada madaxweynaha ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa wakhti xisbigiisii Kulmiye uu laba garab u kala fadhiyo, kuwaas oo ay kala hogaaminayaan Guddoomiyaha Xisbigaasi, Ku Xigeenkiisa Koowaad iyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo mar dambe ku biirey iyo garabka Kale oo ay hor boodayaan Murashaxiinta Maxamed Biixi Yoonis, Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe, Cabdicsiis Maxamed Samaale iyo Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Xisbigaasi.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ah ku simaha madaxweynaha ayaa amar ku siiyay ciidamada Booliska in aanay garabka murashaxiinta huwanta ahi ku qabsan Karin hudheelada hargeysa ku yaala wax shir ah, hasayeeshee inta uu qabsoomay ayaa waxa ay ku sheegeen in ay aad ula yaaban yihiin amarada cida bixisay.
Cabdiraxmaan Cabdilaahi ayaa isagu hadhimo sharafeed uu u sameeyay xubnaha golaha dhexe ee Beesha Galbeed burco iyo bariga hargeysa kaga codsaday in ay codkooda siiyaan marka la gaadho shirka golaha dhexe, halkaas oo uu uga sharaxan yahay jagada madaxweyne ku xigeenka oo uu mar kale quud daraynayo.
Madaxweynaha Somaliland ayaa laga dhursugayaa in uu berri madaarka kaga hadlo xalka xisbigiisa, hankiisa iyo waliba sida ugu quruxda badan ee dhooqada looga saari karo magaca xisbigaas.
Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo in kasta oo uu xalay ka hadlay madal lagu soo marti qaaday oo ku taala dalka Ingiriiska, hadana kama uu hadal hankiisa siyaasadeed iyo waliba khilaafka ka dhex curtay siyaasiyiin muddo dheer meel ka wada ridayay.