|

Madaxweyne Siilaanyo oo ay Komiishanka doorashooyinku gaadhsiiyeen Xiliga ay u Cayimeen Qabsoomida Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

Hargeysa, 11 April 2015 (SDN/QJ)- Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa la sheegay inay maanta oo bishu tahay 11/4/2015 warqad u direen Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Ilo Xog ogaal ah ayaa Qurbejoog.com u Xaqiijiyay in warqadaas oo ka hadlaysa in 21 Bisha totobaad ee sanadkan 2015 u cayimeen in Diiwaangelinta Codbixiyaasha Doorashooyinku wadanka ka qabsoonto, waxaanay madaxweynaha ka codsadeen inuu waajibaadkiisa dasduuriga ah ka gutto, taas oo la filaayo in Madaxweyne Silaanyo wareegto madaxweyne ku soo saaro wakhtiga rasmiga ah ee ay bilaamayso Diiwaangelinta Codbixiyaasha Doorashooyinku.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed