Madaxweyne Siilaanyo Oo Aqbalay Talooyin Lagu Beddelayo Taliyaha Booliska Oo Salaadiin, Wagarad iyo La-taliyayaashiisa Ammaanku Usoo Jeediyeen
Hargeysa:Aug,29,2015(SDN/QJ)-Rabshadihii dhinaca ammaanka ahaa eek a taagnaa meelo ka mid ah caasimadda Hargeysa, ayaa keenay cabashooyin badan oo laga keeno hoggaanka sare ee Ciidamada Booliska Somaliland, iyadoo indhaha saraakiisha madaxweynaha ku dhawi si weyn ula socdeen hannaankii loo maareeyey dhibaatooyinkii dhacay, waxana madaxweynaha soo gaadhay soo jeedimo tiro badan oo salka ku haya sidii taliska Booliska isbeddel weyn loogu samayn lahaa.
Sida ay Hubaal u xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah oo madaxtooyada u dhuun daloolaa, waxa madax-dhaqameed, salaadiin, siyaasiyiin madax bannaan iyo wasiirro xukuumadda ka tirsan siyaabo kala duwan madaxweynaha ugu soo jeediyeen inuu dib u eego hannaanka ciidamada Boolisku u shaqeeyaan, isla-markaana ku dhiirrado inuu isbeddel la taaban karo ku sameeyo iyadoo abbaar laga dhiganayo Taliyahooda Md Cabdilaahi Fadal Iimaan oo muddooyinkii ugu dambeeyey fartu ku godnayd.
Wararku waxa ay intaas ku dareen in talooyinkaas ay si weyn usoo dhaweeyeen La-taliyayaashiisa dhinaca ammaanka kala taliyaa, waxana shirar hoose oo saraakiisha madaxweynaha dhinaca ammaanka ka caawiyaa u riyaaqeen soo jeedimahaas, iyadoo maadaama farta loogu fiiqay gal daloolooyin isa soo tarayey oo ciidamada Ammaanka Dalka lagu arkay, kuwaas oo la aaminsan yahay intooda badan loo nisbaynayo inuu talisku canaanteeda leeyahay.
Waxyaaabaha Dadka madaxweynaha la tashaday badhtilmaadeedsadeen, ayaa waxa kamid ahaaa iska hor imaadyo aan joogsi lahayn oo sanadihii ugu dambeeyey ay ciidamada ammaanku ku lug yeesheen, kuwaas oo ay dad shacab ah ku laayeen, isla-markaana tiro badan oo ciidamada ah lagu laayey, waxana talo-qabeenaadaasi aaminsan yihiin inuu Taliye Fadal si khaldan u maareeyey Dhibaatooyinkii Ciidamadu ku lug yeesheen oo tiro ahaan si weyn sare ugu sii kacaya.
Salaaadiinta iyo waxgaradka madaweynaha la kulmay waxa ay taxeen dhacdooyin kala dambeeyey oo dhammaantood si khaldan loo maareeyey, kuwaas oo aan ilaa iyo xilligan lasoo afjarin, waxana dhibaatadaas dusha laga saarayaa Taliyaha Guud ee Ciidamada oo lagu eedeeyey inaanu lahayn awood iyo khibrad uu ku turxaan bixiyo khaladaadkaas dhacay.
La-taliyayaasha madaxweynaha ee Dhinaca Ammaanka ayaa qudhoodu sida aanu xogaha ku hayno waxa ay si weyn madaxa ugu luleen soo jeedimahaas asbaabaysan ee laga soo gudbiyey Taliyaha Ciidamada Booliska Md Fadal. Waxana ay madaxweynaha laftiisa u sheegeen in wax badani gar yihiin, isla-markaana la gaadhay xilligii isbeddel muuqda lagu samayn lahaa hoggaanka sare ee Ciidamada Booliska Somaliland.
Qoddobada madaxweynaha la hordhigay ee hawraarsan kaga jawaabay, isla-markaana inay si badanayaan dhibaatada ciidamada Ammaanku u geysanayaan Shacabka aan hubaysnayn, gaar ahaan Dhallinyarada oo si joogto ah ugu dhimanaya rasaas ay ridayeen, iyadoo dhinaca kalena ay si weyn u kordheen tirada Ciidamada Booliska ee dhimashada iyo dhaawacu kasoo gaadheen rabshadaha ay ku yeeshay.
Tirada Ciidamada ku Waxyeellobay sagaalkii bilood ee Sanadkan, ayaa lagu sheegay 67-askari oo dhimasho iyo dhaawac iskugu jira, waxana dhibaatadaas loo foodsaareeyey maamul-xumo xagga sare ka timi, taas oo keentay in dhimashada ciidamadu sii korodho, isla-markaana bulshadu u aragto ciidamada Ammaanka Cadow iyaga weerar ku ah.
Madaxweyne Siilaanyo, ayaa soo jeedimahaas aqbalaad kaga jawaabay, waxana uu ballan ku qaaday inuu dhawaan isbdeddel muuqda ku samayn doono ciidamada Booliska si daawo loogu helo Dhibaatooyinka Bulshadu ka sheeganayso Ciidamada Ammaanka.
Madaxweynaha laftiisa ayaa sida ilo-wareeddada aanu ku hayno Wax-garadkii talooyinka u gudbiyey usheegay in cabashada ciidamada Ammaanku kamid tahay waxyaabaha ugu badan ee uu muddooyinkii dambe ka garnaqayey, isla-markaana diyaarsaday qorsheyaal wax ku ool ah oo uu hoggaanka ciidamada Booliska ku beddelayo.
Inkastoo aan xog rasmi ah laga haynin sida uu noqon doono isbedelka ciidamada lagu samayn doonaa, Haddana waxa wargeyska Hubaal xogaha u hayaa sheegayaan in ugu horrayn uu shaqada waayi doono Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, iyadoo lagu dari doono isku shaandhayn laxaad leh oo dhawaan la samayn doono, taas oo saamayn weyn ku yeelan doonta Waaxyaha kala duwan ee Xukuumadda.
Lama hubo cidda loo cumaamadi doono taliska Ciidamada Boliska, balse waxa wararku sheegayaan in sarkaal da’yar oo ka aqoon roon hoggaanka Haatan jira hoggaaminta ciidamada loo dhiibi doono, maadaama soo jeedimuhu u badan yihiin in dhallinyarada lagula dhiirrado hoggaaminta ciidamada si loo dhiirrigeliyo.
Isku-shaandhaynta dhawaan la samayn doono, ayaa la sheegayaa inuu soo geli doono Cabdilaahi Xuseen Iimaaan Dareewal oo ay ilmaadeer yihiin Taliyaha Xilligan ee Booliska, waxana la tilmaamay in Haddii uu Siyaasigaasi soo galo Golaha xukuumadda uu Taliyuhu Ka Degi doono Doonta Xukuumadda Siilaanyo oo uu sanadihii ugu dambeeyey shidka u saarnaa.
Xigasho:Wargeyska Hubaal
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com