|

Madaxweyne Siilaanyo oo Abaal Marin Gaadhi,Kutub,Laptobyo,iyo Agab kale Gudoonsiiyay Ardaydii ku Tartantan Xiftiga Qur’aanka DAAWO

Hargaysa 26.July13 (SDN) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo ayaa galabta waxa uu qasriga madaxtooyada ku qaabilay Ardaydii Tartanka Qur’aanka Kariimka ku guulaysatay Kaalmaha hore ee Koowaad, Labaad, Saddexaad iyo Afraad.

IMG_0505IMG_0521Kulankan oo ahaa mid aan noociisa hore uga dhicin sida ay sheegeen Culimadu waxa uu ahaa mid xaga madaxweynaha ka yimid markii uu u fidiyey Ardaydaa qaaliga ah ee Xiftisan quraanka kariimka ah iyo Culimadii soo qaban qaabisay iyo weliba macalimiintii qiimaha mudnaa ee ardaydaasi xiftisiiyey Qur’aanka.

Ardayga ku guulaystay kaalinta koowaad oo la yidhaahdo Cabdirisaaq Cabdilaahi Maxamed kana socday Gobolka Sool waxa la gudoonsiyey Gaadhi nooca loo yaqaan Indha-cadaha oo ah Numberkii ugu danbeeyey iyo sidoo kale Lacag iyo Kutub.

Waxa kaalinta labaad ku guulaystay Mahad Cali Xuseen oo ka socday Gobolka Maroodi-jeex ee Hargeysa. Oo la gudooon siyey Laptop iyo $1,000 iyo hadyado kala duwan oo ay ka mid yihiin kutub saacado

IMG_0533 IMG_0536Waxa sidoo kale kaalinta Saddexaad ku guulaystay  Cabdishaakir Maxamed Axmed oo ka socday Degmada Wajaale waxaanu ku guulaystay Abaal marin ah $800 iyo Mobile Samsung Galaxy 3 ah iyo Hadyado kala duwan

 

IMG_0545IMG_0553IMG_0556IMG_0559 IMG_0561IMG_0570IMG_0572Halka kaalinta Afraad uu ku guulaystay  Cabdishakuur Axmed Maxamed oo ka socday Gobolka Togdheer ee Burco waxa uu isna ku Kitaab Tafiil ah $500, Saacad iyo hadyado kala duwan oo kale.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed