|

Madaxweyne Siilaanyo oo 28 Caano Maal Kadib Maalinta Beri ah ku soo Laabanaya Caasimadda Somaliland ee Hargaysa

Hargaysa 13. July 2017 (SDN/QJ):- Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa la filayaa inuu 28 maalmood oo uu dalka Imaaraadka Carabta ku maqnaa ka dib jimcaha beri dib ugu soo laabto dalka.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa markii uu dalka ka dhoofay waxay madaxtooyadu sheegtay inuu safar u gaar ah oo qaadan doona tobaneeye maalmood ku tagi doono dalka Imaaraadka Carabta. Laakiin socdaalka madaxweynaha ayaa qaatay 28 maalmood.

Mudadaas uu dalka ka maqnaa waxa madaxweyne Siilaanyo laga soo sheegay inuu galay xaalad caafimaad darro, laakiin madaxtooyada iyo wasiirada ayaa beeniyay, iyadoo madaxweynaha laftiisu muuqaal laga soo duubay uu ku sheegay inuu ku suganyahay xaalad caafimaad oo wanaagsan.

Wuxuu noqonayaa madaxweynihii u horeeyay ee Somaliland soo mara ee muddo intas leeg dalka dibadda ugaga maqnaada wax loogu yeedhay hawlo u gaar ah.

Madaxweyne Siilaanyo ayaan la ogayn inuu shirjaraa’id ku qaban doono madaarka si uu u beeniyo wararkii laga baahiyay, bulshadana u tuso inuu caafimaad qabo.

Comments are closed