|

Madaxweyne Siilaanyo oo 11 Xubnood oo Gudi sare ah u Magacaabay Wakaaladda Biyaha iyo Cali Guray oo ka fal celiyey

Hargaysa 21.Sep 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa guddi sare (Board Of Directors) u magacaabay wakaaladda biyaha Hargeysa. Guddida oo ka kooban 11 xubnood oo aqoon yahan iyo culimo ka dhex muuqato ayaa xilkoodu yahay jaangoynta siyaasadda biyaha Hargeysa iyo la xisaabtanka maareeyaha wakaaladda biyaha Hargeysa

Gudida Wakaalada Biyaha

Hadaba Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray ayaa qoraal uu ku faafiyey barta uu ku leeyahay Shabakada Xidhiidhka Bulshada ee Facebook waxa uu ku soo dhaweeyay Magacaabista Madaxweynaha ee Gudidan isagoo Yidhi “Gudida uu Madaxwaynuhu u magacaabay Wakaaladda Biyuhu hadii ay noqonayaan Board of Dirctors waa talaabo wanaagsan oo loo qaaday dhinaca saxa ah oo hordhac u noqon karta dibu qaabayn dhan(complete reform) oo lagu sameeyo Wakaaladda Biyaha Hargeysa(WBH).

Xubnaha aan ka gartay gudidu waa shakhsiyaad lagu kalsoonaan karo inay ku filaan karaan hawsha Board of Directors-ka WBH in kasta oo digreetada lagu magacaabay aanay ku qeexnayn waajibaadka iyo awoodaha gudida ama(Terms of Referance). Sidaa daraadeed waxa kula talin lahaa inay hawshooda ka bilaabaan qeexidda waajibaadkooda iyo dib u eegista qaab dhismeedka WBH iyaga oo ka duulaya qiimaynta xaaladda WBH si ay u ogaadaan baahida ama dhinaanshaha(deficiency).

Waxan mar labaad qirayaa in talaabadani ay tahay mid loo qaaday dhinacii saxa ahaa Madaxwaynahana waan ku amaanayaa talaabadan

 

Comments are closed