|

Madaxweyne Siilaanyo mee!!!?

27 January ilaa maanta waxaa golaha wakiilada ka aloosnaakhilaaf iyo muran siyaasadeed oo mararka qaar halis galiyay jiritaanka golaha iyo welibaxasiloonidii dalka. Sida la ogyahayna khilaaf kaasi waxa uu salka ku hayaa xeerhoosaadka golaha oo uu wax kabadalkiisa iyo curintiisii hore ay ahayd awoodahaugaarka xildhibaanada balse manta ay talo iyo arin ku leeyihiin golahawasiiradu.

Kalfadhigii 23aadfadhigii 19aad ee wax kabadalka iyo kaabista ay ku sameeyeen xildhibaanadu xeer hoosaadka wuxuu ahaa mid ay raali kawada ahaayeen dhamaantood waxaanay xaqiijiyeen 27/01/14 markay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen42 mudane halka ay ka diideen oo kaliya 4 mudane 8 ay ka aamuseen.

Codaynta maalintaasiwaxay xalaalaysay sharcina ka dhigtay xeerkii goluhu ku dhaqmi lahaa,lagunahagi lahaa ,taa kasoo horjeedkeeduna waxay ka cadhaysiisay labadii gudoomiye kuxigeen iyo xukuumada oo la dudday maadaama ay kasoo jeedaan xisbiga talada hayaisla markaana marmarsiyo u heshay C/raxman ciro oo mudooyinkii danbe aanay lajeclayn guddoonka barlaamanka, una arkasay laf dhuun u gashay.

laga bilaabomaalintaas waxay u adeegsadeen xildhibaanotiro yar oo la fikir ahaa mishiinkii ayku burburin lahaayeen midnimada golaha.

Akhriste Balis weydii 27 January ayay xildhibaanadu ku ansixiyeenrabitaankooda xeer hoosaadkii golaha,maxaa isbadalay 10dharaarood kadib ee gulufkan soo kiciyay?

Jawaabtuwaxay tahay in mudanayaal badani duulaankii xukuumada ay dhinac ka raaceenayagoo go’aankoodii hore ku badalanaya balan qaadyo iyo shilimo aan tirobadnayn marka la barbar dhigo karaamadii iyo xasaanadii uu huwanaa mudanuhu.

Ujeedooyinkaxubnaha xukuumadu ka leeyihiin Gulufkan.

Way caddahayin xubnaha xukuumadu dabada iyo hortaba ka riixayaan waayo 7 xubnood eegarabkii la duuc-duucayay way ku guul daraysteen inay ka go’aan gaadhaan dhexdhexaadintiiay ka galeen soojeedinta (motion)lacagta badan ku kacay,waana la sii arkayay inaanay wax la taaban karo horkeeni doonin golaha. Waana kuwan ujeedooyinka qaarkood:

1. In C/raxmaancirro laga qaado xilka gudoomiyanimo ee golaha maadaamuu mucaarad rasmiyakunoqday, waana sababta ay ugu adkaysanayaan in qodabka tilmaamaya xilka qaadistagudoomiyaha laga dhigo 42 mudane , si ayuga qaadaan ama u ruxruxaan gudoomiya kasta haddii danahooda ay ka dhex arkiwaayaan.

2. In Baashe amaxubin kale oo taageerayaasha kulmiye ah kana soo jeeda gobalka sool loo dhiibo,maadaama gobalku ku dulmanyahay, saami uqalmana aanu ku lahayn xukuumada siilaanyo. Waa dhab in beelaha sool iyo buuhoodle aanay saamigoodii ka haysandawlada xaqna ay u leeyihiin inay helaan, laakiin haddii xukuumadu xal udoonayso

Maxay u la raadin weyday ama ugu hibayn wayday kursiga guddoonka guurtidaee aan doorashada ku imaan, lana ogyahay in markasta gudoomiyuhu debeda u jiroxaalad caafimaad?

Haddii aan u soo noqdodulucda maqaalkaygan ciwaankiisu ahaamadaxweyne siilaanyo mee?

Inkasta oo isugu( madaxweynuhu) iska fogeeyay faragalinta G/wakiilada 08 Februarymarkuu dalka ku soo guryo noqday tilmaamayna in goluhu shaqadiisa u madaxbanaanyahay hadana isagoo og in hantidiiumada, lacagtii caruurta dugsiyada laga qaaday ee loogu talagalay wadooyinka,loo qaybinaayo mudanayaashii aqalka shacabkasi ay u fuliyaan u jeedooyinka raqiiska ah ee xukuumada.

Maadaama isagoo og in golihiisii wasiiradu hadh iyo habeenbaku shirqoolayaa madaxbanaanida G/wakiilada guriga M/kuxigeenka ,kuna dayaceenshaqadii ay u hayeen dadwaynaha, iyo weliba inay dadka qaarkood soo ururiyaansi ay u aflagaadeeyaan ciro sida dhacdadii manta ee gabilay iyo tii berbera lacagnaku bixiyaan.

Ayadoo xiisadi ay ka taagantahay gobalada bari iyodhaqdhaqaaq ciidan oo ay wadaan maamulka puntland.jiritaanka inaas oo dhan iyo kahadal la’aanta madaxweyne siilaanyo waxay muujinaysaa awoodii iyo kartidii inaytahay mid hawl gab ah oo ay adeegsanayaan dhalinyaro caadifadaysan oo masiirkiiumada khal-khal iyo burbur ku wada.

S/Maxamed C/laahi Xasan

Burco,Somaliland.

Sayidmaxamed22@hotmail.com

Comments are closed