“Madaxweyne Siilaanyo Mar Haddii Aanu Murashax Ahayn, Wax Xag-xagasho ah oo Iga Soo Gaadhaysa Ma Jirto, Ninka Muuse Biixi Ee…..” Xildhibaan Xoog
Hargaysa 27.Feb 2016 (SDN/QJ):-Xildhibbaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Aw-xoog) oo ka mid ah mudanayaasha golaha Wakiilada Somaliland sida oo kalena ka tirsan mas’uuliyiinta sare sare ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa si adag u dhalliilay heerka ay marayso siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland, waxaana uu sheegay in guud ahaan hoos u dhac aad u weyn uu ku yimi siyaasadda Somaliland isla mar ahaantaana aanay haba-yaraatee jirin wax-dhaqdhaqaaqyo oo ay xukuumadda Kulmiye ku raadinayso siddii ay Somaliland beesha caalamka uga heli lahayd Ictiraaf buuxa.
Xildhibbaan Cabdiraxmaan Aw-xoog oo muddooyinkii dambe socdaalo ugu maqnaa dalka dibaddiisa, gaar ahaana wadamo ka mid ah dalalka Yurub iyo sida oo kale waqooyiga Ameerika, ayaa hadalkan ku sheegay waraysi gaara oo uu wargeyska Ogaal ku siiyey magaalada Hargeysa, waxa kale oo uu ka hadlay sababaha had iyo jeer dib u soo cel celiya dilalka saraakiisha ciidamada oo muddooyinkii dambe ahaa kuwo aad u soo badanaayey isaga oo carabka ku dhuftay in ay jirto cadaalad darro xagga bixinta dera-jooyinka ciidamada ah iyo weliba cadaadisa xooggan oo uu sheegay in uu dusha ka saaran yahay ciidamada.
Md.Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac, oo ugu horreyn ka hadlaayey siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland, ayaa tibaaxay in xukuumaddii hore ee Daahir Ra’yaale ay xukuumadda Siilaanyo kaga dhaqdhaqaaq badnayd raadinta Ictiraaf ay Somaliland ka hesho beesha caalamka.
“Siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland maanta waxa ay maraysaa heerkii ugu hooseeyey, waxaana aanu soo xaqiijinay in aanay haba-yaraatee xukuumaddan Kulmiye wax dhaq-dhaqaaq ah u samaynin raadinta Ictiraaf ay Somaliland ka hesho beesha caalamka, muddadii aanu joognay dibadda waxa aanu la kulannay ururo matela wadamada aan dunida Ictiraaf ka helin, waxaana ay noo sheegeen in xilliggii Daahir Ra’yaale ay jirtay xidhiidho ay la lahaayeen Somaliland balse waxa ay runtii si cad nooggu sheegeen in aanay muddo Lix sanno ah aragba maamulka xukuumadda Kulmiye iyada oo raadinaysa wax Ictiraaf ah oo Somaliland hesho, annaguna waxa aanu ka xisbi ahaan diyaar u nahay in aanu soo xaqiijiyo oo aanu shacabka u keeno Ictiraaf dhabba, waana sababta aanu buuggayaga tiirka 1aad uga dhignay raadinta Ictiraafka oo aanu maanta ku kalsoonahay in aanu god walba oo loo geli karto soo salaxnay. Ururadaas laftooduna waxa ay noo balan-qaadeen in ay wax badan nagala qaban doonaan raadinta Ictiraafka.”.Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac
Xildhibbaan Cabdiraxmaan Aw-xoog oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa ciyi waa ka beryey ku tilmaamay guddidii dhawaan madaxweyne Siilaanyo u magaabay raadinta Ictiraaf ay Somaliland ka hesho beesha caalamka, waxaana uu tilmaamay in wakhtigan aanay munaasib ku ahayn isla mar ahaantaana ay xukuumaddu hore u hagratay siddii ay Somaliland Ictiraaf u heli lahayd, waxaana uu yidhi:
“Nimanka hadda la magacaabay ee loo magacaabay Ictiraafka, welibana kala jooga cad-ceed ka soo bax iyo cad ee ka dhaca ee aan isba soo gaadhayna, waxa aan u arkaa waa arrin wakhtigii looggu tallo-galay ee munaasibka ku ahayd dib uga soo dhacday, waa arrin aan xilli habboon lagu soo beegin oo xukuumaddii oo sannad wax ka yar u hadhsan tahay ayaa rabta in ay maanta tidha tallaabadaas ayaan qaadaynaa, waxa aanu lee nahay waa ciyi waa ka beryey, annagana wakhtigayaga nimanka la magacaabay laftooda wax noo diidaya in aanu la kaashanno raadinta Ictiraafka ma jirto.”.
Xildhibbaan Aw-xoog oo ka hadlaaya dilalka soo noqnoqda ee ciidamada, ayaa ku sababeeyey. “Somaliland muddadii ay jirtay wax qudha ee ay ku naaloonaysay waxa ay ahayd nabadda, se muddooyinkii dambe waxa soo badanayey dilalka qorsheysan oo weliba ay ugu horreeyaan ciidamada, waxaana kaliya aan u aanaynayaa arrintaas in ay sabab u tahay cadaalad darro ay tirsanayaan ciidanku, waayo ciidamaddii la dilay oo dhan, marka ugu dambeysa ee naftu ka sii baxayaan waxa ay ku dhawaaqayeen ayaa la sheegayaa waar ciidanow cadaaladda ha la oggaado, marka dhibbaato ayaa haysata ciidamada, cadaalad darro ayaa haysata dhexdooda ah, cadaadis xooggan ayaa dusha ka haysta, darejooyinka nidaamka loo qeybiyey ayaa gebi ahaanba ah mid aan sax ahayn oo cadaalad darro ay ka tirsanayaan, midda kale qofka ciidanka ah marka derajo la siinaayo waa in la baraa akhlaaqiyaadka habboon ee ciidanka lagu maamulayo, waayo sarkaalka ciidan haystaa waa maamule, maamulahuna waxa uu u baahan yahay in la baro ama uu wax ka yaqaano qaabka fiican, debacsan ee loola dhaqmo dadka”.
Ugu dambeyntiina xildhibbaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac(Aw-xoog) oo ka mid ah xildhibbaanada mucaaradka ah ee inta badan dhalliila nimaamka xukuumadda Kulmiye, ayaa sheegay wakhti xaadirkan aanu mar dambe wax xag-xagasho iyo dhalliilo ah toona u soo jeedinayn madaxweynaha Somaliland maadaama aanu murashax ahayn sida uu hadalka u dhigay, waxa kale oo uu dhalliilay nidaamka uu u dhaqmo guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi
“Anigu ma doonaayo, dalkana ugumaan soo noqon in aan xag-xagasho iyo dhalliilo badan aan u geysto Madaxweynaha Somaliland, haddii aan hore u dhalliili jiray, mucaaradna iskugu soo ahayn wakhtiyo kala gedisan, maanta madaxweyne Axmed Siilaanyo maaha murashax, waa uu tanaasulay, wakhtigiisa yar ee u hadhayna wax xag-gagasho ah oo xagayga ugaga imanaya ma jirto haddii aan hore ugu soo jeedin jiray dhalliilo iyo arrimo kaleba.Siilaanyo waa nin da’ ah wakhtigii daayacna waa uu jooggaa marka in maanta xagayaga wax kaga yimaadaan xaasha weeye, waxaana aanu kaliya uga fadhinaa uun in uu taariikh ka tago oo uu si cadaalad ah oo dhexnimo ah nooggu kala xaq sooro xisbiyada kale ee aanu tartanka kula jirno. Annagu waxa aanu tartan la gelaynaa ninka xisbiga Kulmiye hoggaanka u haya oo caado ka dhigtay in uu adeegsado duubcas iyo dabbaabado aad moodo in uu dad ku laynaayo, se waxa aan annagu lee nahay meel aad wax ku dishidna maanan aragee dalka waynu wada lee nahay waana aynu wada joognaayee wax oo geb-gab ah iska kala aad yar tartanka nala soo gal.”.Ayuu yidhi Xildhibbaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac