Madaxweyne Siilaanyo Ma Mucaaradnimada Ayuu Ku Haboonaa?
Marka dib loo eego qaabkii abaabul iyo isku duba rid ee uu Madaxweyne Siilaanyo ku hoggaamin jiray xisbiga KULMIYE, waxa ay dad badani isweydiiyaan maxaa imika oo qarankii loo dhiibay ku habsaday.? Dad badan ayaa aaminsan inaan weli laga hayn waxyaabihii Madaxweyne Siilaanyo laga filayay ee ay dad badani sawiranayeen amaba uu balan qaaday inuu samayn doono marka uu talada dalka qabto. Taas liddigeedna waxa muuqata inay waxyaabo badani hoos uga dhaceen halkii ay taagnaayeen xilligii xukuumadii Daahir Rayaale Kaahin. Waxase la ogyahay in balanqaadyadii KULMIYE ay ku salaysnaayeen odoros waxase la odhan karaa waxay ahaayeen odoros lagu talax tagay oo ay in la sameeyo sababeen baahida loo qabay hanashada kursiga hoggaaminta dalka. Amaba si kale haddii loo dhigo odoros aan lagu salayn waaqici.
Bulsho badan ayaa aaminsan inuu Madaxweyne Siilaanyo talada dalka qabtay isagoo aan diyaarsan qorshihii uu dalka ku hoggaamin lahaa, waana sababta keentay in markii la doortayba uu magacaabo guddi ka soo tallo bixisa dhismaha xukuumadiisa iyo tirada wasaaradaha. Miyaanu Madaxweynuhu wax qorshe ah lahayn waa maxay guddi ayaan talada dib ugu celinayaa.? Waa su’aal ay aqoonyahan badan iyo dadka siyaasadda faaleeya markiiba ku iftiimiyeen inuu Madaxweynuhu kursiga qabtay isagoo aan diyaar u ahayn. Markii uu Madaxweyne Siilaanyo talada muddo hayay waxa soo baxday sheeko suuqa soo gashay oo in la sameeyay iyo inay jirtay aan kala cadayn balse ujeedadeedu ahay hal qabsi loola jeeday Madaxweynaha. Warintaasi waxay leedahay nin dhallinyaro ah ayaa u tagay nin oday ah oo uu ka doonayay gabadh uu dhalay, dabadeedna wuxuu weydiistay inantiisa oo uu aad u jecelyahay inuu siiyo, balse odaygii dhawr goor ayuu ninkii celceliyay isagoo ku cudur daaranayay inaanay inantu ogolayn, laakiin muddo ka dib ayuu u yeedhay inankii inanta ka doonayay isagoo ku wargeliyay inuu siiyay gabadhii uu ka doonayay sidaas daraadeed uu kaxaysto lana yimaado wixii dad xididayaa kala heli jireen. Inankii inanta doonayay ayaa la sheegay inuu odayga u sheegay inuu arrinta ku soo kadiyay isna aanay waxba diyaar u ahayn ee la siiyo wakhti uu ku soo diyaar garoobo isagoo sheegay in ku soo booddo lagaga dhigay. Qisadaa waxaa lagu misaalay inuu kursigu Madaxweynaha u yimid isagoo aan waxba diyaarsan dabadeedna uu ku noqday ku soo boodo, waxaana la sheegaa in odayaal habeen u tagay ay sheekadan ugu hal qabsadeen Madaxweynaha.
Halkii laga filayay kor u kac iyo in isbedel laga dareemo, waxa la arkay waxyaabo badan oo uu hoos u dhac ku yimid amaba sidii xukuumadii hore u socda. Tusaale ahaan Madaxweyne Siilaanyo oo ku doodi jiray inuu la dagaalami doono musuqmaasuqa, waxa la arkay musuq iyo maamul xumo xoog badan oo dalkii ka taagan, waxaana dhacday in markii u horaysay masuuliyiin xukuumadiisa ka tirsani soo bandhigaan fadeexado musuqmaasuq oo ay sheegeen inay daliilo cad cad u hayaan, ilaa haddana lama arag meel wax lagaga qabtay. Laakiin Madaxweynuhu xubnahan maamul xumada u adkaysan waayay wuxuu u yaqaanaa Shakhsiyaad xil doon ah.
Waxa la arkayaa is barbar yaac iyo kala socod xukuumadiisa ka dhex taagan. Tusaale ahaan masuuliyiinta qaar waliba qaabilsan arrimaha ammaanka ayaa eedaymo kala duwan warbaahinta isu mariyay. Wasiiradiisa qaarkood ayaa la arkaa iyagoo Madaxweynaha u diraya baaq la xidhiidha hawlaha xukuumadda, waxaana xubnahaas u dambeeyay oo markhaati loo soo qabsan karaa Wasiirka hawlaha guud Md. Axmed Cabdi Xaabsade, oo dhawr goor oo uu toddobaadkan dhammaaday ugu dambeeyay Madaxweynaha ugu baaqay arrimo la xidhiidha xalinta tabashada gobalada bari.
Waxa la arkay xubno wasiiro ah oo inta ay shirjaraa’id qabteen isugu jawaabaya islamarkaana eedaymo isu jeedinaya. Waxa la dareemay hoos u dhac ku yimid xidhiidhka ay Somaliland la leedahay dalalka jaarka, iyadoo islamarkaana xidhiidh dano gaar ah ku salaysan balse aan dano qaran ku fadhiyin lala yeeshay dalal kale oo la aaminsanyahay in aanay nasteex u ahayn qarannimaa Somaliland.
Arrimaha kale ee la dareemay intii ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo jirtay waxa ka mid ah inay golihiisa wasiiradu u badanyihiin shakhsiyaad aan xidhiidh la lahayn bulshada ay xilalka u hayaan. Amaba haddii si kale loo dhigo waxa lagu dhaliilaa khibrad yaraan dhinaca siyaasadda iyo arrimaha maxaliga ah ee Somaliland. Waxaanay dadka qaarkii ku doodayaan inay Madaxweynaha fuuleen culaysyo ay ahayd inay wasiiradiisu maareeyaan balse ay ka fursan weyday inuu isagu xaliyo.
Si kastaba ha ahaate arrimahan iyo kuwo oo is biirsadayba waxay xujo u noqonayaan dadka ku dooda in siyaasadda hoggaamineed ee Madaxweyne Siilaanyo ay ku wanaagsanayd mucaaradnimada, balse hadda ay u muuqato inay ku baahday.
Source: Geeska