|

Madaxweyne Siilaanyo: Laba Qodob Midkee Ayuu U Tagay Berbera?

Axmed-Siilaanyo1Hargeysa,21Nov,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa safar ku tagay magaalo xeebeedka Berbera. Madaxtooyadu waxay safarkaas ku macnaysay mid shakhsi, waxaana ku weheliya qoyskiisa iyo wasiiro xukuumadda ka tirsan.

Safarka Madaxweynuhu wuxuu su’aalo dhex dhigay bulshada Somaliland oo falanqayn iyo faalayn ku samaysay safarka Madaxweyne Siilaanyo. Marka koowaad waxa ay qaybo shacabka ka mid ahi ku xidhiidhiyeen safarka Madaxweyne Siilaanyo mid la xidhiidha wareejinta maamulka dekedda Berbera oo muddooyinkii u dambeeyay aad loo hadal hayay in lagu wareejinayo shirkadda Dubai World ports  ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta oo ay wararku sheegayaan inuu gunaanad ku dhowyahay heshiiska ay la galayso dawladda Somaliland. Dooddan waxa sii xoojiyay wefti ka socda dalka Imaaraadka Carabta oo Madaxweyne Siilaanyo kula sugan magaalada Berbera. Hase yeeshee maareeyaha dekedda Berbera Mr. Cali Xoor-xoor ayaa si u muuqata afgobaadsi u sheegay inaanu safarka Madaxweynuhu la xidhiidhin wareejinta dekedda Berbera, isagoo ku dooday in weftiga Carbeed ee Berbera joogaa u socdaan arrimo maalgashi oo ay indha-indhaynayaan.

Qodobka labaad ee ay bulshadu aaminsantahay in socdaalka madaxweynuhu la xidhiidho ayaa ah nasasho iyo dabaal. Madaxweyne Siilaanyo ayaa lagu bartay dhawr goor oo ay ku kacday xiisad mucaaradeed inuu tago magaalada Berbera oo uu badeeda ku dabaasho isagoo iska soo duuba muuqaal bulshada loogu tilmaamayo in Madaxweyne Siilaanyo weli awood u leeyahay iska caabinta mucaaradkiisa, iyadoo ay intaas dheertahay in biyaha baddu leeyihiin faa’iidooyin caafimaad.

 

Comments are closed