Madaxweyne Siilaanyo iyo Xubno Golihiisa Wasiirrada Katirsan Oo Socdaal Gaaban ku Tegay Degmada Faro-weyne
Faro-weyne:June,17,2015(SDN/QJ)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Xubno kamid ah Golihiisa wasiirrada, ayaa socdaal gaaban saaka ku tegay Degmada Faro-weyne ee K/Galbeed Magaalada Hargeysa.
Socdaalka Madaxweynaha oo ahaa mid aan hore loosoo shaacin, ayaa ujeeddadiisa lagu sheegay inuu la xidhiidho xogo-ogaal u noqoshada arrimaha Bulshada Halkaas ku dhaqan iyo waliba sidii uu xadhiga uga jari lahaa mashaariic ay xukuumaddu halkaas ka hirgelisay.
Madaxweynaha, ayaa sida warbaahinta Dawladda Sheegtay halkaas kala kulmay soo dhaweyn diirran, waxana uu Deegaanka Waddo-mahaahiil ku wareejiyey Gaadhi Ambulance ah.
Madaxweyne Siilaanyo ayaan muddo dheer Halkaas tegin, waxana uu iska gaabnaa safarradda uu halkaas ugu kicitimay intii uu hoggaanka Dalka hayey.
SDN/QJ