Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirkiisa Warfaafinta oo Tacsi u diray Qoyskii uu Ka Baxay Maareeyihii Wargayska Ogaal oo Hargaysa ku Geeriyooday
Hargaysa 06.Aug 2014 (SDN/QJ)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Bahda Saxaafada, Shacbiga Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii ee uu ka baxay Maareeyihii Wargeyska Ogaal Marxuum Cabdiweli Faarax Jaambiir oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay Suxufi door muhiima ka soo qaatay heerka saxaafada Dalku ay maanta taagan tahay, waxaanu madaxweynuhu si gaara u tacsiyadaynayaa Walaalkii Muuse Faarax Jaambiir oo ka mid ah odayaasha Saxaafada Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ILLAAHAY uga beryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Bahda Saxaafada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ha ka siiyo.
Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii, bahda saxaafadda iyo shacbiga Somaliland-ba oo uu ka tacsiyadeeyay ALLE ha u naxariistee Marxuum- Cabdi-weli Faarax Jaambiir oo galabta ku geeriyooday caasimadda Hargeysa.
Wasiirka Warfaafintu wuxuu sidaasi ku sheegay dhambaal tacsi ah oo uu soo saaray galabta waxaanu ku yidhi “Waxaan ka tacsiyadeynayaa qoyskii, qaraabadii, bahda Saxaafadda Somaliland iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland ka tacsiyadeynayaa geeridda ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum-Cabdi-weli Faarax Jaambiir oo galabta ku geeriyooday caasimadda Hargeysa, waxaan ILAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoyskiisii, bahda saxaafadda iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.
Marxuum-C/Weli Faarax Jaambiir waxa uu ahaa suxufi weyn oo ruug-caddaa ah iyo aqoon yahan mihnadle ah oo kaalin wax ku ool ah ka soo qaatay tisqaadka saxaafadda Somaliland. Waxaanu noqon doonaa tiir weyn oo ka baxay saxaafadda dalka. Waxaanan ILAAHAY uga baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo bahdii saxaafadda iyo qoyskiisiina samir iyo iimaan ka siiyo.”
Marxuum-Weli Faarax Jaambiir waxa uu saxaafadda ku soo jiray ku dhowaad muddo labaatan sanadood ah, waxaanu ka soo shaqeeyay wargeyska Jamhuuriya, TV-ga Somaliland Space Channel iyo Wargeyska OGAAL oo uu ka mid ahaa masuuliyiinta sar-sare ee wargeyskaas.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com