Madaxweyne Siilaanyo Iyo Wafti Uu Hoggaaminayo Oo Saaka u Ambabaxay Dalka Djibouti Iyo Ujeeddada Safarkoodu la Xidhiidho
Hargeysa:Dec,20,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wafti sare oo uu hoggaaminayo, ayaa u amba baxay Dalka Jamhuuriyadda Djibouti.
Safarka Madaxweynaha oo ay ku wehelinayaan Xildhibaano, Wasiirro, Wariyayaal iyo xubno kamid ah Xisbiga Kulmiye, ayaa la sheegayaa inuu salka ku hayo Wada-hadallo la sheegay inay Caasimadda Djibouti ku dhex mari doonaan Dhiggiisa Somalia oo la filayo in dhawaan halkaas usoo socdaalo.
Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa la sheegayaa inuu wada Hadalladan dhexdhexaadin doono, waxana Goob joog ka noqon xubno beesha caalamka ka socda oo Arrimaha Wada Hadallada si dhaw u la socday.
Wada-hadallada labada dhinac ayaa lagu wadaa inay Toddobaadkan Bilaabmaan, waxana ay dib uga dhaceen Toddobaadkii hore oo la doonayey inay bilaabaan, iyadoo sababtuna ahayd Madaxweyne Xasan Sheekh oo Magacaabista Ra’isal wasaaraha ku mashaqaysnaa.
Lama garan karo sida ay wada Hadallan kediska ahi u midho dhali karaan, waxase dad badani yididiilo ka muujinayaan inay ka fiicnaan doonaan kuwii Turkiga ka qabsoomi jirey oo inta badan aan wax labada dhinac u dan ahi kasoo bixi jirin.
Hadalka madaxweynuhu ka Yidhi Bixitaankiisa iyo wixii warar ah ee arrinan kusoo kordha, ayaanu idiinku soo gudbin doonaa Wararkaygay dambe haddii Eebe Qaddaro.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com