|

Madaxweyne Siilaanyo Iyo Wafti Uu Hoggaaminayo Inay Toddobaadkan Safar ugu Baxaan Dalka Kuwait Xilli Xaaladda Siyaasadeed Ee Dalka Aanay Meelna Saldhiganin

Hargeisa:Mar,22,2015(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan Ilo wareedyo ku dhaw Aqalka Madaxtooyada Somaliland oo soo gaadhay Qurbejoog.com, Madaxweyne Siilaanyo iyo Wafti sare oo uu hoggaaminayo, ayaa la filayaa inay Toddobaadyada soo socda ama midkan aynu ku jirnoba u amba baxaan Dalka Kuwait.

hehdoMadaxweynaha, ayaa la sheegayaa inay Safarkiisa ku wehelin doonaan Xubno kamid ah Golihiisa Wasiirrada iyo Waliba Xildhibaanno, iyadoo qabanqaabada safarkaasi laga dareeamayo aqalka Madaxtooyada.

Illo-wareedyadani may tibaaxin in safarka weftiga Madaxweynaha ay ka danbaysay martiwaad rasmi ah oo ay ka heleen masuuliyiinta dalka Kuwait, iyo in kale, iyo weliba mudadda uu qaadan doono safarkani, iyo in weftigu sii marayo wadamo kale iyo in kale, ma jiraan wax war ah oo rasmi ah oo ku saabsan safarkan oo weli ka soo baxay Madaxtooyadda Somaliland.

Kuwait ayaa kamid ah Dalalka Mashaariicda Horumarineed ka Fuliyey Gudaha Somaliland, waxana ay Lacago malaayiin Dollar ah oo sida loo adeegsaday Muran ka taagan yahay,  waxana la filayaa in Madaxweynuhu Dalkaas u tegi doono Arrimo la Xidhiidha Xidhiidhka labada waddan.

Xilliga safarkan Madaxweynuhu kusoo beegmay, ayaa ah Wakhti xaaladda siyaasadeed ee waddanku qasan tahay, waxana aan la isla meel dhigin taladii laga yeelan lahaa arrimaha Doorashooyinka oo u muuqda kuwo muddo dhaafay inkastoo Madaxweynuhu hore u sheegay inaan Hal Maalin loogu dari doonin

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed