|

Madaxweyne Siilaanyo iyo Gudoomiyeyaasha Labada Xisbi ee Kulmiye Iyo Waddani oo Tacsi u diray Qoyskii uu ka Baxay Suxufi C.qaadir Bay

Hargaysa, 25 February 2016-(SDN/QJ):– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa tacsi u  diray Bahda Saxaafada, Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Suxufi Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Bay)  oo ku geeriyooday maanta Magaalada Hargeysa.

 

byDhambaalka tacsida ah ee Madaxweynaha oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Qurbejoog.com Xafiiskeeda Hargaysa ayaa u dhignaa sidan:

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba, waxa uu tacsi u  dirayaa Bahda Saxaafada, Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Suxufi Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Bay)  oo ku geeriyooday maanta oo taariikhdu tahay 25/02/2016 Magaalada Hargeysa.

 

Marxuumku waxa uu ka mid ahaa tiirarka Saxaafada dalka ee wakhtigooda ugu badan geliyey

sidii ay door muhiima ugaga qaybqaadan lahaayeen, dhinaca qalinka iyo maskaxda Alle (SWT) hibada u siiyey inay ku curiyaan baahinta danta ummaddooda iyo dalkoodaba.

 

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryay inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo. Bahda Saxaafada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Shacbiga Somaliland ee uu  ka baxdayna samir iyo iimaan Saadiqa ka siiyo.

Sidoo kale Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaaya magaciisa, ka afka xildhibbaanada golaha Wakiilada iyo hoggaanada, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka ee xisbiga WADDANI uu shacabka Somaliland, gaar ahaan bahda saxaafadda ka tacsiyadeynayaa geeriddii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha u naxariistee weriye Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Bay) oo xanuun uu muddooyinkii dambe u jiifay maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa. (25/02/2017)

Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa kale oo uu tacsi taas la mid ah ah u dirayaa ehelkii, qaraabaddii, asxaabtii iyo gaar ahaan bahda shabakadda Hadhwanaagnews oo uu ka hawl-geli jiray kana baxay marxuumku, waxaana uu ku sifeeyey in weriye Cabdiqaadir Bay uu ka mid ahaa foollaadka weriyeyaasha Somaliland isla mar ahaantaana lagu yaqaanay soo tebinta qoraalo iyo faallooyin siyaasaddeed oo dhex-dhexaad ah.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa uu ugu dambeyntii Alle uga baryeyaa Marxuumka in uu godka u nuuriyo, kana waraabiyo naxariistiisii jannatul Fardowsa sida oo kalena uu samir iyo iimaan ka siiyo ehelkii, qaraabaddii, asxaabtii, bahdii saxaafadda iyo guud ahaanba shacabka Somaliland ee uu ka baxay.

Dhanka Kale Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ku hadlaya afka Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, asxaabta, bahda Saxaafadda iyo shacabka reer Somaliland geerida ku timi Marxuum Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Baay) oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa saaka.

Marxuum Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Baay) oo waxa uu ka mid ahaa suxufiyiinta kaalinta wayn ka soo qaatay horusocodka bahda warbaahinta Somaliland, gaar ahaan qaybta qoraalka.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waxa uu Alle uga baryayaa Marxuumka inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, qoyska, carruurta, qaraabada iyo asxaabtana samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Bah’da Shabakada Qurbejoog.com Waxay Tacsi u dirayaan Qoyskii,Qaraabadii iyo Guud ahaan Bah’da Saxaafadda ee uu ka baxay Alle naxariistiisii Jano ha ugu Deeqee C.qaadir Maxamed Ciid Baay

Comments are closed