Madaxweyne Siilaanyo iyo Daahir Rayaale Kaahin oo kulan gaar ah ku yeeshay Madaxtooyada, maxay tahay sababtu?
Hargeysa 27, March 2012 (Qurbejoog.com)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii u horeysay kulan la yeeshay Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin tan iyo markii uu bilo ka hor dalka ku soo laabtay.
Inkastoo aanu jirin war rasmi ahaan Madaxtooyadu ka soosaartay kulankaas, haddana siday ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com, labada hoggaamiye waxay kulankooda kaga hadleen xaalada dalka ka taagan.
Waxa la sheegay in kulankaasi ahaa mid xidhan, kaasoo barqonimadii maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada. Sidoo kale, waxa la sheegay inuu kulan kooban oo isna albaabadu u xidhnaayeen la yeeshay Madaxweyne kuxigeenka oo xafiiskiisa ku sugnaa.
“Markay kulamadu dhamaadeen, labada hoggaamiye waxay sawiro ku wada galeen barxada Madaxtooyada,” ayuu yidhi masuul ka gaabsaday in magaciisa la xuso.
Ma cadda waxyaabaha ay daarnaayeen kulamada xidhan ee Daahir Rayaale Kaahin sida gaar gaarka ah ula yeeshay Madaxweyne Siilaanyo iyo madaxweyne kuxigeenka Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Seylici).
Sida la sheegay, booqashada Rayaale ku tegay Madaxtooyada, waxa ku weheliyay wasiirkiisii Maaliyadda Cawil Cali Ducaale.
Tan iyo markii uu 27 July 2012 xilka madaxtinimada kala wareegay, waa markii u horeysay ee Madaxweyne Siilaanyo kulan kula yeesho Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin.
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com