Madaxweyne Siilaano Tooshka Ku Shiday Muhiimadda Shirka London Ugu Jirta Somaliland
Hargeysa:13,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Somaliland, ayaa Markii ugu horraysay Ka Hadlay Muhiimadda uu shirka Magaalada London Berri ka Furmayaa u leeyahay Somaliland.
Madaxweyne Siilaanyo Oo Haatan ku sugan Magaalada London, ayaa Boggiisa Twitterka ku faahfaahiyey Muhiimadda uu shirka Ganacsiga Somaliland lagaga hadlayo ee London ka furmayaa u leeyahay Qaranka Somaliland.
Fariinta Kooban ee uu Madaxweyne Silaanyo kaga kaga warramay shirkaas berry furmaya iyo Muhiimadda uu leeyahay, ayaa sidatan ku bilaabantay,“ Shirka Maalgashiga Somaliland ee London waa Shir aad muhiim ugu ah Somaliland” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu intaasi raaciyay in Somaliland u furan tahay Ganacsiga iyo Maalgashiga “ Somaliland way u furan tahay Maalgashiga iyo Ganacsiga” ayuu yidhi Madaxweynuhu.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Wefti culus oo wasiiro u badan ayaa Jimcihii u dhoofay dalka Ingiriiska, halkaasi oo ay kaga qayb galayaan shir ku saabsan fursadaha maalgashi ee Somaliland ka banaan.waxaa la rajaynayaa in shirka ay ka qayb galaan Shirkado Ingiriis ah iyo Ganacsato Somaliland ah.
SDN/QJ