Madaxweyne Shariif:“ xukuumadda mar haddii uu R/wasaaruhu Musharrax noqdo, waxay noqoneysaa mid aan saameyn lahayn, qaraarna maba soo saari karto”.
Muqdisho Aug 15,2012(SDN)-Madaxweynaha dawlada KMG ah ee Soomaaliya Md Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa maanta dalka dib ugu soo noqday ka dib kolkii booqasho uu dalka Sucuudiga ku tegay.
Madaxweynaha oo si weyn Muqdisho loogu soo dhaweeyay ayaa ka waramay arrimo dhawr ah oo xasaasiya oo ay ka mid ahaayeen goaamo ay xukumadu dhawaan soo saartay oo lagu sheegay in ay sharci daro aheyd magacaabid degmooyin iyo darajooyin kale oo madaxweynuhu dhawaan shaaciyay.
Hadalada Madaxweyne Shariif ayaa waxa ay si toosa u durayeen saameynta raiisul wasaaraha uu dawlada ku leeyahay bacdamaa uu madaxweyne isu sharaxay.
“Degmooyinka marka la magacaabayo waxaa soo diyaarisa wasaaradda arrimaha gudaha, kaddibna waa soo gudbiyaan, haddii lagu qanco wixii ay soo gudbiyeen inay sax yihiin waa la magacaabaa, haddii meelaha qaar su’aalo loo baahdana waa la weydiiyaa kaddibna waa la magacaabaa, Golaha wasiiradu wax shaqo ah oo ay ku leeyihiin malaha, waligeed shaqo kuma yeelan.
Arrinta labaadna waxay tahay xukuumadda mar haddii uu R/wasaaruhu Musharrax noqdo, xukuumaddu waxay noqoneysaa mid aan saameyn lahayn, qaraarna maba soo saari karto”.ayuu madaxweynuhu ka yiri shir jaraaid oo uu maanta qabtay.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com