Madaxweyne Shariif oo ku dhawaaqay inay saamaxayaan Horjoogayaasha Al-shabaab haddii ay fikirkooda ka soo noqdaan
Afgooye, 12, June 2012 (SDN)- Madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay in dawladiisu ay saamaxayso haddii horjoogayaasha ugu sareeya Kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya.
Madaxweyne Sheekh Shariif oo ku sugan Afgooye ayaa sheegay in cidkasta oo aaminsan fikirka Alshabaab oo ka soo noqota fikirkaas ay soo dhaweynayaan. “Cidkasta oo ka soo laabanaysa dariiqaas qaldan diyaar ayaa loo yahay, waananu soo dhaweynaynaa.” Ayuu yidhi Madaxweynaha oo ugu waramayay warbaahinta magaalada Afgooye.
Waa markii ugu horeysay ee madaxda Soomaalidu ay ku dhawaaqdo saamaxaad ay u fidinayso hogaamiyeyaasha Al-shabaab.
Todobaadkan ayay ahayd markii dawladda Maraykanku ay ku yaboohday lacag malaayiin ah inay ku bixinayso ciddii soo sheegta meesha ay ku sugan yihiin horjoogayaasha Kooxda ka dagaalanta Soomaaliya ee Al-shabaab.
SDN. Afgooye