|

Madaxweyne Shariif oo ka hadlay qorshaha ay TFG u marayso sidii ay Somaliland midnimo dambe oo Soomaaliya ah ugu qancin lahayd

Hargeysa 9, June 2012 (Qurbejoog.com)- Madaxweynaha dawladda kumeel-gaadhka ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ayaa markale muujiyay sida ay dawladdiisu u danaynayso sidii ay Somaliland ugu qancin lahayd midnimo dambe oo Soomaaliyeed.

Madaxweyne Shariif waxa uu ka hadlay qorshaha ay dawladdiisu doonayso inay ku xaqiijiso arrintaas, wuxuuna ka iftiimiyay sida ay la tahay in dantu ugu jirto Somaliland iyo Soomaaliya iyo dib-u-bilaabista wadahadalkii hakadku galay ee labada dhinac. “Somaliland waxa la wada ahaa dawlad, dhibaataa dhacday, maamul ayay samaysteen oo waxay yidhaahdeen Soomaaliya kama mid nihin oo gaar ayay u istaageen, habka ugu wanaagsan ee ay tahay inaan ku keeno waa habkee?,” ayuu is waydiiyay Shariif oo shalay ka hadlayay kulan qado ah oo uu u qabtay madax-dhaqameedyada dhowaan shirku uga furmay caasimadda Muqdisho, wuxuuna intaa raaciyay “Ma waxaan nidhaahnaa ma go’i kartaan oo waan idin soo qabanaynaa, mise waxaan leenahay walaalayaal aan horta wada hadalno, maxaad tabanaysaan?, Somali ayaan wada nahay, hal diin iyo hal isir baa inaga dhexaysa, Soomaaliya ayaan ka wada hadlaynaa, dawlad baan wada ahayn, maxaad tabanaysaan?. Waxay ila tahay mida dambe inay dantu ku jirto.”

Ugu dambayn, waxa uu ku dooday in dantu ku jirto in wadahadal loo maro habka dib loogu abaabuli karo midnimo dambe oo Soomaaliya ah. “Hadda waxbaa noo bilaabmay oo aan rabnaa in miiska lasoo saaro, in la wada-hadlo, waa mida aan rabno taasi,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Madaxweyne Shariif waxa uu dhowaan muujiyay inuu rejo fiican ka qabo in wadahadalka aan weli hirgelin ee la qorsheeyay dib u bilaabmaan, maadaa sida uu ku dooday ay isfaham wanaagsan ka leeyihiin madaxda Somaliland.

Qurbejoog.com, Muqdisho

Comments are closed