Madaxweyne Shariif oo Bisha Barakeysan Shacabka ka Hanbalyeeyay
Muqdisho July 20,2012(SDN)-Madaxweynaha dawlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa fariin uu u diray shacabka waxa uu uga hanbalyeeyay curashada bisha barakeysan,fariinta oo dhameystiran ayaa sidan u qoraneyd;
“waxaan leeyahay umadda Soomaaliyeed iyo umadda muslimiinta ah meelkasta oo ay joogaan kulu caamin waa antum bi kheyr bisha Ramadaan ee barakeysan ayaa noosoo gashay waxaa la xaqiijiyey Soomaaliya bishii in laga arkay magaalooyinka Muqdisho, Burco iyo meelo kaleba,dad lagu kalsoonyahay ayaana soo sheegay insha allah burrito waa soon oo caawa waxaa noo bilowday Soon, waana bil barakeysan oo Alle loogu dhowaado.
waxaan rajeynayaa in shacbiga Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaanba aysan dayacin fursadaan waayo dad badan waxey isku mashquuliyaan habeenkii waxyaabo maalaa yacni ah oo ay ciyaaraan ama waxaan micno laheyn oo aay kusoo jeedaan marka waxaan leeyahay bishaan waa bil fadli badan, waa bil mudan inaan ka faa’ideysano waayo qofkii bishaan ay soo marto oo aan ka faa’ideysan waxaa ku dhacaya qasaaro weyn marka waxaan isku dardaarmeynaa inaan ka faa’ideeysanno.
dad badan waxaa dhacda maalintii ineysan soomin oo qaarkood ay maqaayado furan,qaar ay munkar farabadan la yimaadaan waxyaabahaasi oo dhanna waa waxyaabo uu Alle Subxaanahu Watacaalaa qofka muslimka ah ka xarimay,qof walbana waxaa laga rabaa inuu xasuusnaado aakhiradiisa cidii ku kacdana kama yeeli doonno.
bishaan waxaa ku jirta habeen Alle Subxaanuhu Watacaalaa uu ku tilmaamay habeen ka kheyr badan kun habeen ayadoo qiimahaas uu ku jiro ayaa lagayaabaa in dad badan ay ku dhameeyaan hurdo marka bishaan waa shahrul Camal,Shahrul Cibaada, Shahrul Qur’aan waxaa lagarabaa inaan in laga faa’ideysto waayo waa fursan qofka Muslimka ah soo marta sanadkiiba hal jeer marka Insha Allah aan kawada faa’ideysano.
maadaama ay tahay bishaan bil barakeysan Alle Subxaanahu Watacaalaa waxaan ka baryeeynaa nabadda,horumarka iyo dowladnimada inoo bilaabatay iney noo xoogeystaan,is jaceylka Umadda Soomaaliyeed iyo midnimadeeda ay hirgalaan, qof kasta oo Soomaaliyeedna dhibka inuu ilaah ka qabto,umadda Soomaaliyeedna Umad is taageerta uu ilaah ka dhigo.
waxaan fareynaa dadka Soomaaliyeed ee wax heysta walaalahooda aan wax heysan iney wax siiyaan oo ay gargaaraan,dowladdu waxey qaaday isku dayo badan safarkii ugu dambeeyey ee aan hada galay waxaan is aragnay dowladihii Soomaaliya garab qabtay oo ay Dowladda Turkiga ka mid tahay oo aan kala hadalnay dadku iney weli dhibaatadii heysato bishii Ramadaanna ay soo galeyso marka waxaan rajeyneynaa iney dowladdo badan oo Dowladda Khaliijka oo ah Dowlad qani ah ay ka mid tahay iney shacabka Soomaaliyeed soo gar gaaraan,shacabkuna is garab qabto”.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com