|

Madaxweyne Shariif iyo Wafdi uu hogaaminayo oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Muqdisho Dec 25, 2011 (qurbejoog.com)- Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayo oo kasoo duulay Magaalada Garoowe oo uu kusoo idlaaday shirka wadatashiga oo ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay ayaa xalay waxaa uu dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa xalay kasoo dagay Garoonka diyaaradaha Aadan cadde Airport halkaasi oo ay kusoo dhaweeyeen Mas’uuliyiinta farabadan oo ka tirsan dowladda KMG, Ciidamada AMISOM iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

20-kii bishan ayaa Madaxweynaha waxaa uu u dhoofay Magaalada Garoowe si uu ugu qeyb qaato shirka wadatashiga ah ee Garoowe, iyadoo intii uu socday shirka uu jahwareer soo kala dhexgalay ka qeyb galayaasha shirka inkastoo markii dambe lasoo gaba gabeeyay.

Ugu dambeyn Sheekh Shariif oo shirka ka jeediyay qudbadii xiritaanka ayaa waxaa uu ku dar daarmay Umadda Soomaaliyeed inay is walaalsadaan islamarkaana ay hal meel ugu soo horjeestaan la dagaalanka Ururka Al Shabaab oo iyo Al-qaacidda oo uu sheegay inay kusoo duuleen qaranka Soomaaliya.
 

Qurbejoog-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed