|

Madaxweyne Qirtay in Diyaarad Hawada Mareysa uu Ka soo Tuuray Dad Musuq maasuq Sameeyay

Hargaysa 29. December 2016 (SDN/QJ):- Madaxwaynaha dalka Filibiin oo ah nin ad adag dagaal xoogana kula jira Musuq maasuqa iyo daroogada ayaa sheegay in dad Musuq maasuq ku kacay uu kasoo tuuray Diyaarad Nuuca Helicopterka ah oo hawada mareysay.

Rodrigo Duterte ayaa ugu hanjabay saraakiisha iyo shaqaalaha dowlada in uu ciqaabi doono uuna diyaarad hawada sare mareysa kasoo tuuri doono cidii lagu helo in ay musuq maasuqdo raasjhin gar gaar oo loogu tala galay dadka ay waxyeeleesay duufaan ku dhufatay qeybo kamid ah dalkaasi

Madaxweynaha oo la hadlayay dad ay waxyeelo kasoo gaartay Duufaan ku dhufatay bartamaha dalka Filibiin ayuu sheegay in uu kasoo horjeedo in la musuq maasuqo gar gaarka loogu tala galay dadka dhibaateesan, waxa uuna ku hanjabay cidii uu falkaasi ku helo uu gacantiisa ku ciqaabi doono.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Filibiin in horey Diyaarad hawada mareysa uga soo tuuray dad musuq maasuq sameeyay , waxa uuna tilmaamay in aysan hadana jirin cid ka hor istaagi karta in uu sidaas oo kale uu sameeyo .

Madaxweynaha dalka Filibiin ayaa horey u qirtay in uu gacantiisa ku dilay dad iyana ka ganacsanayay daroogo, waxa uuna Madaxweynaha horey u sheegay in uusan wax naxariis ah u sameeneyn dadka lagu helo musuq maasuqa iyo daroogada.

Comments are closed